Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Oo Dacwad Ka \Gudbinaya Shirkada Facebook

0
366

Britian(Xogsoormedia.com) Wargeysaka Sunday Times ee ka soo baxa dalka Britian ayaa qoray in madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele u u qorshaynaayo in uu dacwad ka dhana shirkada Facebook uu uu gudbinaayo, maxakamada sare ee dalka Ireland.

.

Waxaanu wargeysku xusay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, u diyaariyay qoraalka dacwada ah ee ka dhanka ah Shirkada Facebook, isaga oo dacwad dhawaan ugudbinaya maxakamad sare ee dalka Ireland oo xarunteedu tahay magaalada Dublin

Waxaana ilaa hada aan sitoosa loo ogeyn dacwadan u madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uu ka gudbinayo shirkadan Facebook oo bar ay inta badan bulshadu ka wada xidhiidho.

Dhanka kale waxaa uu wargeysku qoraalkiisan ku xusay in Madaxweyne geele qabsadayqareenada Johnsons oo xaruntooda tahay magaalladda Belfast ee dalka waqooyiga Ireland, waxanay qareenadani gacan weyn ka geysan doonaan ayuu yidhi wargeysku dacwada uu madaxweyne Geele ka gudbiyay shirkada

Facebook.

Sidoo kale wargeysku waxaa uu sheegay in Mid kamid ah qareenada uu kireestay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu magcaabao Paul Tweed , uu ka hadlo faah faahina ka bixiyo  dacwada uu Madaxweynaha ka gudbinayo Facebook, waxaanu  qareenkani  tilmaamay in anay  xiligan munaasib  aheyn in la shaaciyo dacwada waxa ay la xadhiidho.

Shirkada Facebook oo xarunteeda dhaxe ku taalo gobalka California ee dalka Maraykanka, ayaan ka hadlin iyadu dhankeeda dacwadan,  la sheegay in uu ka gudbinayo Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Xogsoormedia.com

xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliand

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here