Hargeysa(Xogsoormedia.com) Chief caaqil Cabdilaahi Cabdala Ismaaciil oo ka mida cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Sanaag ayaa maareeyaha madbacada qaranka Somaliland ku amaanay wixii u qabsoomay mudadiii uu xilka hayay
Waxaa uu caaqilku sheegay in lagu majeeran karo waxqabadka muuqda ee la taaban karo ee uu gaadhay mudadaas uu xilka hayay.
Waxaanu yidhi Chief Caaqil Cabdilaahi isaga oo arintaas ka hadlaya “maareeyaha madbacada qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire waa shaqsi ku suntan waxqabad, waxaanu muujiyay mudadii koobneyd ee uu xilka hayay waxqabad la taabaan karo, una qalma xilka uu madaxweynuhu u igmaday , wax badan baanu qabtay mudadii uu xilkaas hayay waana shaqsi mateli kara bulshaweynta Somaliland iyo ta reer Sanaagba”
Chief Caaqil Cabdilaahi sidoo kale waxaa uu ka hadlay abaarta ba’an ee ka jirta gayiga Somaliland waxaanu xukuumada iyo gudida abaarahaba ugu baaqay in loo gurmadop dadka ay baaruhu naafeeyeen ee bari iyo galbeedba waxaanu yidhi “waxaa wadanka ka dhacday abaar dad iyo duunyaba naafaysay waxaanan xukuumada Somaliland iyo gudida u xilsaaran abaaraha aan ugu baaqaya in ay bari iyo galbeedba si isku mida ay ugu gurmadaan dadkaa ay abaarta wadanka ka jirtaa ay halakeysay meela looga soo wada jeesto shicib iyo dawladba sidii dadkaas loo badbaadin lahaa”
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com