W/wararka(Xogsoormedia.com):- Wiil Somali-Canadian ah oo lagu magacaabo Ayaanle Xasan Cali oo 27 jir ah ayaa la sheegay in uu weerar ku qaaday Xarun lagu tababaro ciidamadda Millatariga dalkaas oo ku taall magaalada Toronto isagoo ku hubaysnaa Mindi.
Wiilkan Somali/Canadianka ah ayaa la sheegay in markii uu Xarunta Ciidanka lagu tababaro uu weerarayay in uu ku dhawaaqayay ALLAHU AKBAR.waxaanu dhaawacay laba qof oo ka mid ahaa ciidankii tababarka qaadanayay ee Xarunta ku jiray.
Wiilkan Soomaaliga ah oo ku dhashay magaalada Montreal ee dalkaas Canada ayaa waxaa la sheegay inuu weerar ku qaaday xarun lagu tababaro ciidanka Milatriga ee dalka Canada oo ku taala magaalada Toronto, Wiilkan ayaa la sheegay in uu soo galay goobtaas isaga oo ku hubeysan Mindi weyn ka dibna waxaa uu beegsaday askartii ku jirtay xerada uu weeraray, halkaasna wuxuu ku dhawaacay ilaa 2 qof oo ka mid ahaa ciidamadiii halkaas ku sugnaa.
Intaa ka dibna waxaa qabtay oo gacanta ku dhigay ciidankii xerada ku sugnaa oo isugu tegay kana qaaday mindidii uu sitay waxaanay ku wareejiyeen booliska dalka Canada oo wax yar ka dib goobta soo gaadhay.
Wiilkan ayaa la sheegayaa inuu ahaa ardey wax ka baranayey Jaamacadda laakiinse iskaga tagey markii dambe, Wiilkan Soomaalgia ah ayaa oo hore uga soo shaqeeyey garoonka diyaaradaha magaalada Toronto ee lagu magacaabo Toronto Pearson International Airport kaas oo amaankiisa aad iyo aad loo ilaaliyo islamarkaana aanay cid walba loo ogoleyn inay ka shaqeeyaan.
hadaba halkan ka daawo wiilka Somali/Canadianka ah ee lagu eedeeyay weerarka xarunta ciidan ee Canada.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeysa Somaliland