Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Waxaa qadar yar ka hor caawa la soo afjaray qori tuurkii ama isku aadkii koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League oo ay iskugu soo hadheen 8-kooxood oo sadex ka mid ahi ay isku waddan yihiin halka shanta kalena ay ku madi yihiin ciyaarta wareegga 8.da kooxood ee ay u soo gudbeen.
Kulamada kooxahan oo la kala ciyaari doono 12-ka Apriil iyo 13-ka Apriil ayaa waxa ay iskugu dhaceen kooxuhu oo ay isku arkayaan sidan.
Wolfsburg Vs Real Madrid
Fc Bayern München Vs Benfica
Fc Barcelona Vs Atletico Madrid
Paris Saint Germain Vs Manchester City
PSG oo koobkan ka reebtay Chelsea ayaa fursad u heli doonta inay koox kale oo Ingariis ah reebto madaama ay iskuu dhaceen kooxda Man City oo markii ugu horeysay wareegan ciyaareysa, laakiin City qudheeda ayaa jaanis u haysata in ay u soo aarto kooxda ay isku dalka yihiin ee PSG ay hore ugu soo dur durisay.
Labadan kooxood ayaa ah laba ka siman hal ujeedo oo kaliya oo ah in ay markii ugu horraysay ay iska xaadiriyaan oo ay gaadhaan semi-finalka.
Kooxaha Real Madrid iyo Bayern München ayaa u muuqda in ay ku farxeen labada kooxood ee ay ku kala beegmeen oo lagu tilmaami karo kooxaha ugu awoodda yar kooxaha hada isku soo hadhay, Kooxda Barca ayaa sidoo kale wajaheysa Kooxda mayalka adag ee Atletico Madrid.
Waxaa la filayaa in ay kooxaha sadexan ee reer Spin in ay ka soo gudbaan wareegan labada kooxood ee Real iyo Barca. ugu dambayn waxaa laga wada war sugayaa afarta ay noqon doonaan kooxaha soo gudba ee u soo quus gooya kuwa ay kulmaan.
dadka Ciyaaraha ka faaloodda ayaa saadaaliyay in kooxda Barca aanay ka badin doonin kooxda ay isku dalka yihiin ee Atletico Madrid oo ay aad isu ficishadaan.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland