“Diiwaan Galinta Codbixiyeyaashu Si Wanaagsan Ayay Uga Socotaa Gobolka Saaxil Wax Caqabad AHINA Kama Taagna.” Maxamed Jaamac Maxamed Xubin Gudiga Doorashooyinka Ka Tirsan

0
404

Berbera(Xogsoormedia.com):- Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Gobolka Saaxil ayaa si wanaagsan uga socota isla markaana aanay jirin wax caqabad ah oo ka taagan diiwaan galinta Codbixiyeyaasha inkasta oo ay gobolka ka jirto abaarta ku habsatay guud ahaan Somaliland hadana diiwaan galintu si nabad gelyo ah ayay uga socotaa.

Maxamed Jaamac Maxamed oo ka mid ah xubnaha Gudiga Doorashooyinka aaranka oo ku sugan Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil oo waraysi gaar ah siiyay Shakadda Wararka ee Xogsoormedia.com ayaa sheegay in uu soo maray guud ahaan goobaha ay ka socoto diiwaan galinta ee gobolka Saaxil intooda badan oo dhan 86 goobood.

indexyy

Waxaanu intaa ku daray in Diiwaan galita Codbixiyeyaashu si wanaagsan uga socoto guud ahaan gobolka si nabad gelyo ahna ay dadku uga qayb qaadanayaan.

Waxaanu meesha ka saaray in ay jirto wax caqabad ah oo ka taagan diwaan galinta Codbixiyeyaasha. “Diiwaan galinta codbixyeyaashu gobolka Saaxil si wanaagsan ayay uga socotaa wax caqabad ahina kama taagna dadweynuhuna si nabad gelyo ah ayay uga qayb qaadanayaan.”

Maxamed Jaamac oo aanu waydiinay in ay goobaha qaarkood wax hakad ah galeen ama cillado ku yimaadeen qalabka diiwaan galinta ayaa ku jawaabay. “Hawsha diiwaan galintu si wanaagsan ayay u socotaa inta badan goobaha gobolka oo tiradoodu ay gaadhayso 86 goobood waan soo maray wax cilad farsamo ahina kama dhicin mana jirto meel hakad gashay habsamina way u socotaa, waxaanan halkan hambalyo uga dirayaa guud ahaan bulshada gobolka Saaxil oo si nabad gelyo ah uga qayn qaadatay diiwaan galinta codbixiyeyaasha iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee nagala shaqaynayay. Waxaanan aad ugu hambalyaynayaa ciidanka nabad gelyada,madax dhaqameedka,masuuliyiinta gobolka iyo guud ahaan bulshada gobolka Saaxil oo niyad sami uga qayb qaatay diiwaan galinta codbixiyeyaasha.”

Komishineer Maxamed Jaamac oo aanu waydiinay in ay abaarta dalka halakaysay ay Saamayn ku yeelatay diiwaan galinta Codbixiyeyaasha ee gobolka Saaxil,ayaa ku jawaabay. “Horta dalka abaartu way ka jirtaa Gobolka Saaxilna way ka jirtaa dhanka xeebaha ha u badnaatee laakiin dadka waa la soo gurayay oo gaadiid ayaa lagu keenayay oo way imanayeen diiwaan galinta wax saamayn ah oo ay ku keentay iyo dad ay ka baajisay in ay is diiwaan galiyaan ma jirto Diiwaan galinta Codbixiyeyaashuna sidii loogu talo galay ayay gobolka uga socotaa.”

Ugu dambayn waxaanu waydiinay Maxamed Jaamac in ay jirto cabasho ka imanaysa dhanka dadwayna in ay soo gaadhay,waxaanu ku jawaabay. “Dadwaynaha gobolka iyo Madaxdhaqameedkaba si wanaagsan ayaanu u wada shaqaynaynaa illaa imikana wax cabasho ah oo na soo gaadhayna ma jirto.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here