Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo galabta dalka ku soo noqday ka dib markii uu socdaal shaqo oo qaatay dhawr maalmood ugu maqnaa dalka Kuwait,ayaa markii Madaxweynaha iyi Weftigiisu ay ka soo degeen Garoonka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa waxaa loo soo galbiyay dhanka Madaxtoyada ,halkaas oo Madaxweynuhu warbaahinta kula hadlay kana war bixiyay socdaalka shaqo ee isaga iyo weftigiisu ku tageen dalka Kuwait iyo kulamo uu la qaatay Boqorka iyo madaxda dalkaas.
Waxaa kale oo uu ka hadlayMadaxweyne Siilaanyo dagaal dhex maray ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo ciidanka badda ee dalka Jabuuti,waxaanau Madaxweyne Siilaanyo sheegay in ay ka go,an tahay in ay dalka iyo dadkiisaba difaacaan isla markaana aanay cidba uga habranayn difaaca qaranimada Somaliland.
“Safar muddo afar casho ah qaatay oo aan ku tagay dalka Kuwait mudana aan halkaa joogay waxaan kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo uu ugu horeeyo amiirka dalka Kuwait, waxaanan ka wada hadalnay xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaana si gaar ugu mahadcelinayaa aminka mashaariicda horumarineed ee dhaxal galka ah ee boqortooyada sucuudi ka fulisay dalka kuwaasi oo shacabka iyo dawlada somaliland labaduba ay dareensan yihin, waxaana u gudbiyay amiirka mashaariic horumarineed oo somaliland wax loogu qabanayo kuwaasi oo amiirkuna noo balan qaaday oo dhisi doono ugana soo jawaabi doono si dhakhso ah”sidaas ayuu yidhi madaxwaynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo
Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud SIiilaanyo isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii ay ciidamada jabuuti kusoo qaadeen ciidamada badda somaliland waxaana uu yidhi
“anagu hadaan dawlada Somaliland nahay kolayba dalkayaga difaaciisa iyo waxii khayr ugu jiro waan difaacaynaa waanan ka war qabaynaa waanan la soconaynaa insha alllah, difaacida dalkana cidna uga habran mayno”Sidaas ayuu yidhi madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland