Garoowe(Xogsoormedia.com):- Dawladda Federaalka Soomaaliya,ayaa saanad Millatari ugu deeqday oo gaadhsiisay dhanka Maamul goboleedka Puntland halkaaas oo ay ka socdaan maalintii sadexaad dagaalo u dhexeeya Puntland iyo Al-Shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Nugaal.
Diyaarado hub sida oo saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo Dawladda Soomaaliya ku tageertay Puntland ayaa la sheegay in ay kala yihiin laba diyaaradood oo ay midna Dawladda Soomaaliya ku deeqday midna dawladda Imaaraadka Carabtu ay Soomaalilya ugu deeqay oo iyaduna ay u soo gudbisay Maamul goboleedka Puntland.
Dhinaca kale dagaal adag ayaa saaka ka dhacay deegaanka la yidhaahdo Suuj oo ka tirsan gobolka Nugaal dagaalkaas oo dhex maraya Ciidanka maamul goboleedka Puntland iyo kooxda Al-Shabaab
“Hugunka rasaasta inaad maqlayso ayay il tahay… waxaan hadda joogaa deegaanka SUUJ oo uu dagaal ka socdo, kaasoo u dhexeeya ciidamadeenna iyo kooxihii deegaannadaan soo galay,” ayuu yiri Jen. Muxyadiin Axmed Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Hoggaaminaya ciidamada Puntland ee dagaallada culus kula jira xoogagga la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo BBC-da la hadlay xilli uu dagaal xooggan socday.
Sidoo kale, Jen. Muxyadiin Axmed ayaa intaa ku daray in dhankooda ay saddex Askari uga dhaawacmeen, Dhinaca kalena khasaare badan ayaa gaartay, Welina dagaalku wuu socdaa, isagoo hadalkiisa raaciyay in ciidamadooda ay isticmaalayaan hub aad u culus, dhanka kale ay iyaguna haystaan hub kala duwan, wayna ridayaan.
“Xoogagga deegaanka Suuj ku sugan waxay xalay isku dayeen inay deegaanka ka baxaan, balse waanu horjoog-sanay, haatanna dagaal ayaa socda, haddii ALLE idmana waanu soo af-jaraynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkan Puntland u hadlay.
Jen. Muxyadiin ayaa la weydiiyay in dagaalku uu socdo saddex maalmood, mar walba aad sheegtaan in dhaawacyo fudud ay askartooda soo gaartay, marka sidee dagaal intaas socda uu hal askari idin kaga dhiman waayo, wuxuuna kaga jawaabay.
“Annagu xaq ayaan ku soconnaa… ee xaq-darro kuma soconno… midda kalena haddii aan doonayno inuu khasaaruhu barto haddaba waan soo afjari karnaa, khasaaraha badanni waan sheegi karnaa, laakiin waxaan doonaynaa innagoo Ciidankeennu uusan khasaare soo gaarin aan dagaalka soo af-jarno.”
Dhinaca kale Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo S/ Guuto Cali Baashi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in ciidanka xoogga dSoomaaliyeed ay mar kasta garab taagan yihiin Puntland iyo ciidanka xoogga ee qeybta 54-aad ee ku sugan deegaannada Puntland hadii loo baahdana ciidan, ay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga loo diri doona halkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye , oo kamid ahaa Masuuliyiintii diyaaradaha hubka siday ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde , ayaa sheegay in Dowlada ay garab taagan tahay maamulka Puntlnad ayna gacan ku siineyso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland