Wasaaradda Beeraha Oo Maanta Furtay Laba Mashruuc Oo Muhiim Ah Kana Qayb Qaadanaya Horumarka Wax Soo Saarka Dalka

0
396

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wasaaradda Beeraha Somaliland,ayaa maanta Fuurtay laba mashruuc oo waawayn oo wax wayn ka taraya horumarka dalka ee dhanka wax soo saarka.

Labada Mashruuc oo kala ah Mshruuca Shinida iyo Mashruuca Waraabka Beeraha ayaa ah laba Mashruuc oo aad u waawayn isla markaana kaalin muuqata ka gelaya wax soo saarka dalka.

12-1

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Caxmaan C/Lahi Ismacil (Saylici ) Oo Si Rasmi Ah U Furay Labadaasi Mashruuc Oo Kala Ah Mashruuca Shinida Iyo Mashruuca Waraabka Beeraha ,Waxaanu Madaxweyne Ku Xigeenku Uu Ka Waramay Faa`iidada Ay Mashaariicdaasi U Yeelan Doonaan Dalka Iyo Dadkaba.

 Dhankiisan Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir Oo Furitaankii Labadaasi Mashruuc Ka Hadlaayey Ayaa Si Qoto Dheer Uga Waramay Ahmiyada Mashaariicdaasi Ay U Yeelan Doonto Dalkeena Hooyo,Waxaanu Bulshadeena Uu Kula Dardaarmay In Ummadeenu Dalka Wax Kala Soo Baxaan Si Looga Maarmo Cuntooyinka Dalka Dibadiisa Inooga Imanaaya.

9-88-12

 Geesta Kalena Wasiirka Wasaarada Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismacil Baandare Oo Munaasibadaasi Lagu Daahfuraayey Labadaasi Mashruuc Ayaa Si Balaadhan Uga Garaabtay Waxtarka Mashaariicdaasi Ay U Yeelan Doonaan Beero Qodotada Dalka .

 Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cali Xuseen Ismacil (Cali Shoombe) Ayaa Ka Waramay In Ay Imika Lagama Maarmaan Tahay In Shacab Iyo Xukuumadba Aynu Gacmaha Si Aynu Uga Maaranno Cuntooyinka Dalka Dibadiisa Inooga Yimaada.

6-2113-1

 Mantiniyo Oo Ahaa Masuul Ka Socday Hay-Adaha Qaramada Midoobay Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyey Sida Mashaacriicdaasi Ay Ugu Haboon Yihiin Deegaanka Somaliland Iyadoo Adduun Weynuhu Ay Kabanaayeen Baryihii U Dambeeyeyba Wasakhowga Hawada Oo Deegaanka Waxyeelo Badan U Geysan Karta,Arrintaasi Oo Caalamku Kulamo Caalami Ah Ka Yeeshay.

12-1

 Mid Ka Mid Ahaa Beeralaydii Mashruucii Beeralayda Abu Riin Ka Faaiideystay Ayaaka Mahadnaqay Tabobarkii Wasaarada Beeruhu Hore U Sii Siisay Isagoo Xusay In Si Balaadhan Ay Uaga Soo Faaiideysteen.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gamil.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here