Garacad (Xogsoormedia.com):- Masuul sare oo ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ka hadlay coidamadda Al-Shabaab ee soo gelay deegaanka uu madaxda ka yahay ayaa sheegay in aanu wali garan ujeedada dhabta ah ee ay u socdaan ciidanka Al-Shabaab ee Puntalnd dhinaca xeebaha bariga ka soo galay.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray masuulkan sare ee ka tirsan maamulka Puntland in dadka deegaanka ay soo gaadheen kooxda Al-Shabaab ay ka tirsan yihiin maamul aanay waxba ku qabin oo ay dayacan yihiin.
Ciidamada Al-Shabaab,ayaa qabsaday deegaano ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland isla markaana aan maamulka Punland kala kulmin wax iska cabin ah.
Ciidamadii ka tirsanaa ururka Al-shabaab ee xalay la wareegay deegaan xeebeedka Gara-cad ee gobalka Mudug ayaa isaga baxay Deegaankaas, iyagoo u raqaanasaday dhinaca degmada EYL oo ka tirsan gobalka Nugaal.
Ciidamadaan oo watay markii ay soo galayeen deegaanka xeebedka Garacad lix doomood oo kuwa waaweyn ah oo ay horay u Af-duubteen, ayaa markii ay u galeen gudaha Garacad ayaa waxay hawada ka saareen Isgaarsiinta, iyadoo aysan jirin cid ay dhib u gaysteen intii ay deegaankaas ku sugnaayeen.
Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaan xeebeedka Garacad oo aan xiriir la sameynay ayaa yiri. “Waxay noo sheegen markii ay noo yimaadeen, inay yihiin walaalo muslimiinta ah, oo aanan wax dhib ah wedin, alaabo ayayna deegaanka ka iibsadeen.”
Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray. “Waxayna na-weydiisteen gaadiid iib ah, waxayna noo sheegeen inay u socdaan dhinaca Bari ee Puntland oo aysan nagu soo laaban doonin.”
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-yare, ayaa xusay inay saakay ku waabiristeen deegaanka Kullub, ayna kasii dhaqaaqeen.
“Saakay, waxay quraac ku sameysteen deeganka Kulub, ka maamul ahaan weli ma fahmin dantooda. Dadka deegankuna waxay leeyihiin maamul iyo ehel aysan taageero ka helayn, waxaana ku guda-jirnaa ogaansha ujeeddadooda dhabta ah,” ayuu intaas ku daray Axmed Muuse.
Guddoomiyaha degmada EYL ee Gobolka Nugaal, Muuse Cismaan Yuusuf ayaa isagana sheegay inay shacabka deegaanka Garmaal ay u soo sheegeen inay soo gaareen hordhaca ciidamada Ururka Al-shabaab, wuxuuna Puntland ka codsaday in la bad-baadiyo shacabka deegaannadaas ku nool.
“Dadka deegaanka oo nala soo hadlay waxay noo sheegen, inay na soo gaaren Ciidan aad hubeysan oo ay u malaynayaan inay Al-shabaab yihiin,Hayse,ahaate hada waxaan ku guda jirna Barintaanka Arintaasi”.
Ugu dambeyn, ma jiro wax khasaare ah oo ay ka geysteen deegaanada ay ciidanka kooxda Al-Shabaab gaadheen ee ka tirsan deegaanada Puntland iyo wax dagaal ah oo dhex maray ciidamada Puntland iyo shicibka deegaankaas.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland