Jabuuti(Xogsoormedia.com):- Dawladda Jabuuti,ayaa si indho la,aan ah Dalka Somaliland ugu sheegtay in uu ka mid yahay Soomaaliya isla markaana ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee Ciidanka Badda Jabuuti uu Dagaalku dhex maray ku tilmaantay maleeshiyo hubaysan oo saarnaa Markab Kaluumaysi oo sharci darro biyaha badda dalkooda ku galay markii ay Ciidanka Jabuuti soo eryadeena u soo baxsaday dhanka Soomaaliya.
War uu baahiyay TV-Ga dawladda Jabuuti ayaa laga sii daayay war ka hadlaya dagaalka dhex maray Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland iyo Ciidanka Badda ee Jabuuti,warkaasoo ahaa mid xaqiiqada ka fog oo ay warbaahinta Dawladda Jabuuti u inkirayso jiritaanka Somaliland kuna dafirtay dagaalka dhex maray ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland iyo kuwa badda ee Jabuuti.
hadaba halkan ka daawo TV-GA Dawladda Jabuuti oo si cad Somaliladn ugu sheegaya Soomaaliya Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Qaranka Somaliland-na ku tilmaamaya maleeshiyo Soomaali ah
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland