Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay qortay shabakada Somalilandinformer.com oo sheegtay in Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland in dhibaatada Sixir bararka ku eedeeyay Masuuliyiinta Baanka Somaliland iyo isticmaalka adeegga ZAADKA.
Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo xalay arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay been abuur laga sameeyay isla markaana aanay jirin meel uu arrimaha warkaasi xambaarsan yahay uu kaga hadlay,waxaanu intaa ku daray in ay tahay mid sumcaddiisa iyo sharaftiisa shaqsi ahaaneed wax loogu dhimayo isla markaana uu shabakada warkaa ka qortay dacwad ka gudbinayo oo uu maxkamad ka xigo been abuurka laga sameeyay.
“Ma jirto anigu(Cabdi Dirir Cabdi) meel aan warbaahin caalamiya iyo mid maxaliya aan kula hadlay warkaasina waa been abuur shaqsiyadayda iyo sharaftayda meel ka dhac ku ah oo la iga been abuurtay.”
Waxaanu intaa ku daray Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan warkaa been abuurka ah ee la iga sameeyay ka xigaa dacwad iyo in aan Maxkamad ka gudbiyo cidda qortay oo ah Somalilandinformer.com waxaana uga fadhiyaa in ay soo caddeeyaan halka ay warkaa ka keeneen iyo cidda been abuurka intaa leeg iga samaysay. Anigu Hargeysa ayaan joogaa cid warbaahin ah oo aan war siiyayna ma jirto kamana aqbalayo in sharaftayda been abuur lagu dhaawaco warkaa been abuurka ahna shairciga ayaanu ku kala baxaynaa cidda qortay.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland