Boosaaso(Xogsoormedia.com):- Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,ayaa ciidamadeeda heegan galisay ka dib markii deegaano ka tirsan meelaha uu ka taliyo Maamul goboleedkaasi ay soo galeen ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la sheegay in ay wali ku sugan yihiin.
Hay’adaha amaanka maamulka Puntland ayaa heegan galiyay Ciidamadooda kadib markii ay heleen warar sheegaya in Dagaalyahaanada Alshabaab ay wadaan qorshe ay deegaano kaga qabsanayaan Puntland isla markaana ay la wareegeen deegaano ka tirsan degmada Garacad iyo deegaano kale oo ku teedsan.
Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladani cusub, ayaa sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin Al-shabaabka wali ku sugan qeybo kamid ah Deegaanada maamulka.
Ciidamada heeganka la galiyay ayaa u badan kuwa jooga Jiida, Xarumaha iyo Saldhigyada waxaana sidoo kale jira ciidamo farabadan oo lagu arkayo gudaha xaafadaha iyo deegaano ka baxsan magaalada.
Maamulka Puntland ayaa wali ku jahwareersan qorshayaasha dagaalyahanka Al-Shabaab ay ku soo galeen gudaha maamulka Puntland waxaanay wararku intaa ku darayaan in aanay wali dhicin wax dagaal ah oo dhex maray Al-Shabaab iyo ciidanka Puntland tan iyo markii ay gudah Punland soo galeen ciidamo ka tirsan dagaalyahanka Al-Shabaab.
Maamulka Puntland ayaa ciidanka Al-Shabaab ee gudaha u soo galay ku eedeeyay in ay gacan ku leedahay dawladda dhexe ee Soomaaliya waxaanay intaa ku dareen in dawladda Soomaaliya taageerto kooxda Al-Shabaab.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland