Soomaaliya hub uma baahna ee inta taalla in laga guro ayay dani ugu jirtaa.
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- laga soo bilaabo 1991 bur burkii Dawladdii Millatariga ahayd ee ka jirtay dhulkii la isku odha jiray Soomaaliya wuxuu u kala baxay laba qaybood oo kala ah Somaliland oo illaa maalintaa xasiloonayd isla markaana dhisatay lana soo noqotay dawladnimadii ay lixdankii kula midawday Soomaaliya. Iyo qayntii Talyaanigu gumaysanayay ee koonfurta Soomaaliya oo 26 sanadood qas iyo qalalaase ka taagnaa isla markaana soo martay marxalado kala duwan oo tiro badan oo ay kooxo kala duwani ku dagaalamayeen sida hoggaamiye kooxeedyo mid kastaaba gaarkiisa madaxweyne u sheegan jiray,Maxaakiim iyo kooxo ka soo hor jeeda,dawlado ku meel gaadh ah iyo kooxo ka soo hor jeeda iyo xilligan oo ay ku hirdamayaan Dawlad caalamku taageersan yahay iyo Ciidamo nabad ilaalin dalka Soomaaliya u jooga oo ka socda Midawga Afrika oo qaramada midoobay taageerto oo isku dhinac ah oo dagaal kula jira kooxda Argagixisada Al-Shabaab.
Waxaa kale oo Soomaaliya ka jira maamul goboleedyo dalkaa ka dhisan oo ay ugu horraysay Puntland oo la aasaasay 1998,dii,maamul goboleedyadaas oo maraya illaa inta imika dhisani ay afar kala ah Puntland,Jubaland,Galmug iyo Maamulka Koonfur galbeed ,waxaana socda dhaq dhaqaaqyo kuwo kale lagu samaynayo.
Duruufaha Soomaaliya ku gedaaman ayaa ah colaado sokeeye dagaalo kooxo kala duwan dhex mara Maamul goboleedyo col ah iyo dagaalka ugu wayn oo ka dhexeeya Maamulada ka jira Soomaaliya iyo ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab. Taasoo sabab u noqotay in Soomaaliya uu mar kasta soo galo hub qarsoodi ah oo kooxaha ku hirdamayaa ay dhuumasho ku soo galiyaan dalka 26 ka sano dawlad la,aantu ka jirtay isla markaana hubkaasi uu gacanta u galay cid kastaba oo u baahan isla markana ay siday doonaan ugu gaystaan dhib kasta oo ay u dhaqaaqaan.
Qaramada Midoobay,ayaa hore Soomaaliya ugu soo rogtay Cunaqabatayn dhanka hubka ah iyadoo dalka Soomaaliya laga mamnuucay in ay hub la galin karo iyo in Dawldda dalkaa ka jirtaa hub soo iibsan karto,taasina waxay yaraysay in hub muuqda oo waawayni uu Soomaaliya soo gali karo inkasta oo intii cunaqabatayntu ay saarnayd hub badani dalkaa galay,waxaana dhacday marar badan hub ay lahaayeen ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM in hub ay leeyihiin uu u gacan galo kooxda ay dagaalka kula jiraan ee Al-Shabaab.
Beesha caalamka ayaa isla qaadatay in Soomaaliya hub hor leh oo gudaha u galaa in uu khatar nabad gelyo darro ku sii kordhinayo isla makaana nabad gelyada Mandaqada Bariga Africa. Iyo qaaradda iyo guud ahaan caalamka in uu halis ku yahay sidaa darteedna cunaqabatayn rasmi ah looga saaray hubka.
Waxaana la wada ogsoon yahay in Dawladda Soomaaliya aanay xilligan qaadi karin masuuliyadda hub gacanta loo galiyo oo aanay ka badbaadin karayn kana difaaci karayn gacmaha kooxaha la dagaalamaya.
Waxaa kale oo la ogyahay in aanay Dawladda Soomaaliya u dhisnayn ciidamo Millatari oo hub la siiyo oo gudan kara masuuliyadda hub ee loo dhiibay waxaana dhacday marar badan in ciidanka Soomaaliya laftiisu in uu kooxo isu dilay ama la kala saftay beelo dagaal dhex maray sida dagaalkii ka dhacay magaalada Marka ee qabaa,ilka ahaa intii ay imika Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud xilka haysay dagaalkaas oo dad badani ay ku dhinteen tiro kalena ay ku bara kacday,dagaalkaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Soomaaliya oo kala raacay beelihii dirirayay ee ay ka soo kala jeedeen.
Hadaba Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliyadii bur burtay qayb ka ahaan jirtay isla markaana dawladda caalamku taageerayo ee aan caasimadeeda Muqdisho ka talinin ee ciidammadda AMISOM Madaxtooyadeeda ilaaliyaan ay ka mid tahay in ay dhanka ammaanka iyo nabad gelyada iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ay ka taageeraan ayaa looga baahnaa laakiin hadalka ka soo yeedhay shirkoodii ugu dambeeyay golaha wasiirada Jaamacadda Carabta ee ay Qaramada Midoobay kaga dalbadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubku waa mid aan laga filayn dawladaha Jaamacadda Carabta oo ka dheregsan xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay isla markaana indha ku arkay khatarta uu leeyahay hubka sharci la,aanta ah ee aan dawladi gacanta ku hayn.
Jaamacadda Carabtu waxay arkaysaa dhibaatooyinka ka socda dalalka Liibiya,Yaman,Ciraaq,Suuriya iyo Soomaaliya oo dhamaantood uu qalalaase iyo dagaal aan dhamaad lahayn uu a dhex riday hubka sharci la,aanta ah ee ay kooxo nabad diid ahi gacanta ku dhigeen.
Hadaba Wasiiradda Jaamacadda Carabta ee isku raacay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka isla markaana Qaramada Midoobay ka dalbaday in Soomaaliya cunaqabataynta hubka laga qaadaa ma waxay doonayaan in dhibaatada Soomaaliya ay sii kordhiyaan isla markaana qalalaase iyo degenaan la,aan ay ka abuuraan dalalka geeska Afrika ee Soomaaliya ay soohdimaha wadaagaan ee Somaliland,Kenya,Itoobiya,Jabuuti iyo guud ahaan qaarada Afrika.waxaa jirtay in marar badan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalantaa in ay weeraro dad badani ay ku dhinteen in ay ka fulisay gudaha dalka Kenya sida kii Jaamacada Mandheera iyo suuqii ganacsi ee Nairobi.
Wasiirada Jaamacadda Carabta waxaa laga filayay in ay soo saaraan kaalmo wax lagu tarayo dalka colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya dadkiisa oo ay xilligana u raacday abaar baahsan oo taabatay nolosha dad iyo duunyo iyadoo labada wabi ee Soomaaliya marana mid ahaani uu gudhay oo dadkii ku noolaa ay harraad u ildaran yihiin.
Wasiiradda Jaamacadda Carabtu soo jeedinta ah in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya ee ay ka codsadeen Golaha Ammaanka ma waxay hub u doonayaan dawladda madaxdeeda laga ilaaliyo shaqaalaha xafiisyada u jooga ee AMISOM nabad galyadooda lagu aaminay,mise waxay la rabaan maamul goboleedyada iyagu is colaadsanaya ee dagaaladu ka dhex taagan yihiin,mise waxay hub u raadinayaan kooxaha nabad diidka ah ee Soomaaliya ka dagaalama isla markaana khatarta ku ah nabad gelyada dalalka jaarka la ah iyo guud ahaan caalamkaba.
Guntii iyo gebagabadii faalladan koobani waxay u soo jeedinayaa Dawladaha ururka Jaamacadda Carabta in ay Soomaaliya dhanka arimaha bulshada iyo gurmadka abaaraha iyo arrimaha caafimaadka iyo dib u dejinta dadka barakacay in ay ka taageeraan oo ka caawiyaan,waxaanay u soo jeedinaysa in aanay dhibaatada Soomaaliya taalla sii hurinin isla markaana aanay khatar ku noqon xasiloonida dalalka jaarka la ah ee nabdoon oo ay ugu horreeyaan Kenya Itoobiya iyo Somaliland oo uu khatar ku yahay hub soo gala gudaha dalka Soomaaliya kol haddaanay irin dawlad awood u leh in hub lagu aamino oo ka jirta Soomaaliya.
Ugu dambayn Soomaaliya hub uma baahna ee inta taalla in laga guro ayay dani ugu jirtaa.
Faallo: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland