Askari Ka Tirsan Ciidanka Amisom Oo Istoogtay Maalmo Ka Dib Markii Uu Ku  Laabtay Gurigiisa

0
306

Kenya(Xogsoormedia.com) Askari ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa istoogtay ka dib markii uu ku laabtay dalkiisa.

Askarigan oo ahaa askari asal ahaan ka soo jeeda dalka Kenya, ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu soo waramaya in askarigani uu isku toogtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Busiya ee xadka ay wadaagaan Kenya iyo Yugaandha.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa wadanka Kenya ayaa qoray warbixin ku saabsan is dilka askarigan ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee Amison .
Waxaana magaca askarigan is toogtay lagu sheegay Joash Ochieng Magar, dadiisuna aheyd , 52-sano jir ka kana tirsana ciidamada milatariga dalka Kenya.

Waxaana wargeyska warkan u xaqiijiyisay inan ay walaalo yihiin,waxaanay sheegtay in uu askarigani isku dhex toogytay gurigiisa.
Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliand

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here