Horufadhi(Xogsoormedia.com) Ciidamka qaranka Somaliland ayaa gaadhay deegaanka Horufadhi Ceegaag iyo deegaano kale, halkaasi oo ay ka sameysteen fadhiisino.
C/kariin Cali Abokor oo ka tirsan ganacsatada deegaanka Laascaanood ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Jamhuuriyada Somaliland ay soo gaadheen deegaanka Ceegaag, iyo degmada Horufadhi, waxaanu xusay inaanay jirin wax dhibaato ah oo ka dhalatay imaashiyaha ciidanka Somaliland ay ku yimaadeen deegaanadan.
Cabdilaahi Cali oo Midka mida dadkii goob joogayaasha ayaa yidhi “Ciidamadani waxay noo dhaafeen dhinaca Deegaanka Ceegaag, waxaana cabsi xooggan laga qabaa in isku-dhac dagaal in uu ka dhaco,waxaana deegaankan ay ciidamaada Jamhuuriyada Somaliland fadhiisimaha ka dhigteen ku sugan kumanaan qoys oo reer guraa, ay wadaan abaaro ba’an oo ku habsaday deegaanadii ay markii hore degenaayeen”
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Wariye: Saynab Cabdi Warsame