Muqdisho (Xogsoormedia.com)— waxaa dalka Soomaaliya dib ugu soo laabanaya xayawaankii duur-joogta ahaa ee ka qaxay xaaladaha iyo duruufaha nololeed ee dhanka deegaanka.
Iyad oo wadanka Soomaaliya ay ka jiraan colaado, iyo abaaro aan kala joogsi laheyn, taasina ay tahay ta keentay in duur-joogtii ay wadanka iskaga qaxaan oo aan imika mudo gaadhaysa 20 sano aan wax duur-jooga aan wadanka lagu arag.
Hadaba waxaa imika wadanka dib ugu soo noqday Maroodigii u horeeyay muddo 20-sano ah, iyadoo uu socday illaa boqol KM, si uu uga gudbo xadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Maroodiga oo lagu magacaabaa Morgan, waxaana muddo saddex todobaad ku qaadatay inuu dib ugu laabto Soomaaliya.
Morgan oo ah Lab ah ayaa isaga oo 30-jir ka qaxay dalka Soomaaliya sanadkii 1991-dii, isaga iyo xaywaano kale oo duur-joog a una gudbay dhanka wadanka ay jaarka yihiin ee Kenya.
Dadka ka faalooda arrimaha duur-joogta ayaa sheegaya in dib u soo laabashada Marodigan ay tusaale u noqon karto in duur-joogtii kale ee horay uga qaxday Soomaaliya inay dib u soo laabtaan.
.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com