Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa dacwad ka dhan ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay ku eedeeyeen in uu ku hanjabay in uu tooganayo Guddoomiyahooda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxay u gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka Qaranka.
markii ay dacwada u gudbiyeen Xisbiga WADDANI Komishanka Doorashooyinka waxaa isla markiiba ka jawaabay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Cbadiraxmaan Cirro ku eedeeyay in uu Wasiir Xukuumadda ka tirsan ugu hanjabay in uu madaxa ka tooganayo.
Dacwadda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Faysal Cali Waraabe ka gudbiyay oo qoraalkeeda nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xogsoormedia.com,ayaa u dhignaa sidan.
REF/XIS/WAD/XDH/2299/2015 Date: March 9, 2016
Ku: Koomishanka Doorashooyinka Qaranka =Hargeysa=
Og: Guddida Anshaxa Diiwaangalinta Ee Komishanka =Hargeysa=
Og: Wasaaradda Arrimaha Gudaha =Hargeysa=
Og: Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska =Hargeysa=
Ujeeddo: Dacwad Hanjabaad Dil-toogasho Ah Oo Eng. Faysal Cali Waraabe Uu Ugu Hanjabay Guddoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro)
Annaga oo ah madaxda Xisbiga WADDANI waxanu halkan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbineynaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland dacwad hanjabaad dil-toogasho ah oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 shir ka socday xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane: Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro).
Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilka-toogasho ah waxa goobjoog ka ahaa shan xubnood oo ka tirsan Koomishanka Doorashoyinka Qaranka iyo todoba xubnood oo wakiilada saddexda xisbi qaran u jooga Koomishanka.
Hanjabaadda Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah xadgudub ugu tahay ammaanka iyo xoriyadda shakhsiyeed ee Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha guud ee qaranka iyo geedi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.
Falkan uu ku kacay Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe wuxu lid ku yahay qodobada dastuurka ah ee ay ka midka yihiin qodobka 24aad iyo 25aad oo sheegaya xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo dhawrsoonaanta sharaftiisa, magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasaanadda masuuliyiinta qaranka iyo ammaanka guud ee Somaliland.
Haddaba Koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilka-toogasho ahi ay ka dhacday xaruntooda isla markaasna goobjoog ahaa, waxa xil ka saaranyahay inay talaabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrintani inay iyaguna talaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gudtaan dhacdadan.
Ugu dambayn Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u hoggaansanyahay dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama isla markaasna wuxu dhawrayaa anshaxa tartanka doorashooyinka, wuxuna tixgalin baaxad leh u hayaa go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka kasoo baxa.
ALLA MAHAD LEH
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI
Md. Axmed Muumin Seed
intaa ka dib waxaa sidaan kor ku soo sheegnay ka jawaabay eedaynta loo soo jeediyay Eng Faysal Cali Waraabe.
hadaba halkan hoose ka daawo jawaabta Faysal oo muuqaal ah..
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland