Maalgashiga Tamartu Waa Horumarka Dalka’ Wasaaradduna Waxay Qaadday Tallaabooyin Horumar Leh Oo Lagaga Midho Dhalin Karo Khayraadkeena Dihin

0
292

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Tan iyo markii ay dhalatay Xukuumadda KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa la dar dar galiyay baadhista iyo sahaminta khayraadka kala duwan ee dalka si loo ogaado Somaliland khayraadka ay hodanka ku tahay isla markaana dalku ugu helo maal gashi oo looga faa,iideeyo isla markaana dalku dhaqaale ahaan kor ugu koro oo uu noqdo dal khayraadkiisa la soo baxa oo ka mid noqda dalalka Caalamka ee khayraadkooda munaafacaadsada.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo uu xilkeeda qabtay dhalashadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo ah khabiir ku takhasusay aqoon durugsanna u leh Macdanta iyo Batroolka

wasiirta tamarta

Dedaalo badan oo uu ka galay ka midho dhalinta khayraadka dalka ayuu Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland qaaday oo uu caalamka intiisa badan ku soo maray,waxaanu dalka ka bilaabay sahaminta shidaalka dalka,iyo baadhista macnaha kala duwan ee dalka.

Waxaa uu Somaliland ku soo jeediyay indhaha maal gashadeyaal tiro badan oo ka shaqeeya macdanaha iyo kambaniyo waawayn oo ah kuwa shidalka soo saara.

Muddo badan ayuu Wasiir Eng Xuseen dalal kala duwan oo caalamka ah ku soo bandhigay sahamin shidaal sahamin iyo macdan baadhis ah oo uu ka sameeyay guud ahaan dalka Somaliland.

Sahamada Somaliland laga qaaday ee ay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland dalka ka hir galisay ee Wasiir Xuseen shirarka caalamiga ah ee uu ka qayb galay ku soo bandhigay waxay soo dedejiyeen in Somaliland ay hesho daneeyayaal u hanwayn in ay khayraadka dalka maal gashadaan.

Laakiin waxaa jiray hal qodob oo Wasaaradda caqabad ku ahaa isla markaana cid kastaabay ay waydiinaysay taasoo ahayd soo bandhigga sahamin kama dambays ah oo shidaal oo dalka laga qaaday si loo helo meelo lagu kalsoonyahay shidaalka ku jira isla markaana loo guda gali karo sidii loo soo saari lahaa.

Taasoo Wasiirku in badan dedaal dheeraad ah galiyay sidii ay u dhamaystirmi lahayd.

Waxaanu shirkii ugu dambeeyay ee arrintaa lagu dar dar galinayay ka furay shay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.

Waxaa kale oo jiray caqabad ka taagnayd maal gashiga khayraadka Tamarta Cadceedda iyo dabaysha oo laga soo saari lahaa laydhka Tamarta laga dhaliyo kaasoo u baahday xeerkii lagu dhaqayay.

Laakiin Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo uu gadhwadeen ka yahay Wasiir Eng Xuseen waxay ku guulaysatay in ay soo diyaariso xeer nidaamiyihii lagu dhiqi lahaa Khayraadka Tamarta Korontada,xeerkasoo ay la kaashatay khuburo caalami ah oo aqoon u leh.

Taasina waxay suura galisay in Wasaaradda Tamarta Somaliland ay dalka Somaliland ku marti galiso shirkii Caalamiga ahaa ee ka faaiidaysiga iyo maal gashiga Tamarta nool oo dhawaan Hargeysa ka furmay shirkaasoo kii ugu horreeyay ee noociis ahaa lagu qabtay Nairobi Kenya sanadkiisii labaadna ay Somaliland nasiib u heshay in ay marti galiso.

Hadaba wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland dedaalka ay waddo iyo hawl karnimada Wasiir Eng Xuseen Cabdi Ducaale labaduba waxay inooga baahan yihiin in aynu isku garab taagno sidii looga midho dhalin lahaa sahaminta iyo baadhista shidaalka dalka iyo maalgalinta khayraadka Tamarta Korontada si dalku uga boxo dhaqaale xumada iyo shaqo la,aanta isla markaana khayraadkeenu inoogu soo boxo oo aynu uga faa,iidaysano inta aynu nool nahay.

Laakiin haddii bulshadu caqabad ku noqoto ka midho dhalinta soo saarista khayraadka dalkeena ee dihin waxay taasi noqonaysaa in aynu inagu diidanahay in aynu horumar gaadhno isla markaana dhamaanteen wakhtigeenna aynu u hurnay qayilaad iyo tacab diid.

Ugu dambayn qormadan kooban waxaan ku soo afmeerayaa markaynu tabcano ee aynu is garab taagno horumarka dalka ayaynu horumar gaadhaynaa, laakiinb haddii aynu tabcasho diidno hadalna wadno ogow akhrisre in ay taasi tahay dib u mar iyo khayrkeen oo aynu ka hadhno.

Aan ku soo xidho faaladaydan Hees ka mid ah Heesaha kooxda Ciidanka qaranka ee Gaashaan ay qaadaan oo uu curiyay alle ha u naxasiintee Abwaan Sahal Axmed.

Cudud aan tabcan.

Calaacalo bannaan.

Ceeb saaran iyo.

Cabashiyo dawaro.

Caydhi kuma baxdee.

Caawimo sugaay.

Cidhibtaada eeg.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here