Burco(Xogsoormedia.com):-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale,ayaa daah furay shir hawleed lagag hadlayo dar dar galinta sahaminta iyo baadhista shidaalka dalka si loo ogaado gooba uu ku jiro shidalka dalka Somaliland dhulkiisa ku jira isla mrkaana loogu hawl gali lahaa sidii markaa loola soo bixi lahaa
Shirkan oo ay ka qayb galeen Masuuliyiinta Gobolada Togdheer,Oodwayne iyo Saraar iyo Madaxdhaqameedka Caynaba Oodwayne iyo Burco ayaa lagaga hadlay sida loogu baahan yahay in la wada jir looga wada qayb qaato sidii khayraadka dalka loo ogaan lahaa.
Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo furitaankii shirka qudbad ka jeediyay,ayaa faah faahin ka bixiyay hawla shidaal baadhista ee loo baahan yahay iyo ujeedada sahaminta loo sa,aynayo oo ah tallaabada ugu horraysa ee lagu ogaan karo shidaalka dalka ku jira
“Horta waxaa loo baahan yahay in la fahmo Sahaminta shidaalku waxay tahay iyo ujeedada aynu ka leenahay oo ah in aynu ogaano halka shidaal inoogu jiro taasoo u baahan sahamin rasmi ah oo aynu dalka ka samayno. Markaa waxaa loo baahan yahay in aynu fahano in sahaminta shidaalka aanay macnaheedu ahayn in aynu halka la sahaminayo shidaal ka soo saarayno imika, waxaad arkaysaa dad durba foostooyin iska diyaarsanaya oo leh imisaan halkaa ka helayaa laakiin sahamintu maaha in aynu hadda shidaal soo saaraysno laakiin waxaynu u baahanahay in aynu ogaano halka shidaal inoogu jiro si aynu ula soo bixi karno markaynu ogaano khayraadka dalka inoogu duugan.”
Waxaa kale oo kulankaa ka hadlay Maayarada magaalooyinka Burco, Oodwayne iyo Caynaba oo dhamaantood soo dhaweeyay sahaminta shidaal baadhista isla markaana balan qaaday in ay degmooyin ahaan la shaqaynayaan sahamiyeyaasha Wasaaradda Macdantu soo diratay.
Dhinaca kale Cuqaasha degmooyinka kor ku xusan ayaa balan qaaday in ay soo dhawaynayaan sahaminta shidaal baadhista isla markaana tilmaamay in ay balan qaadayaan in aanay wax dhibaato ahi a iman doonin deegaamada sahaminta shidaalka laga samaynayo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland