“Maamullayo Dhulka Danta Guud Ee Deegaanka Qalax”
Hargeysa (Xogsoormedia.com) – Gacan Ka Hadal La weriyey In uu dhex maray Maayarka magaalada Balli gubadle iyo ku xigeenkiisa ayaa sababay in labadoodaba loo taxaabo saldhiga bilayska habeen hore shalayna maxakamadda loo gudbiyo kiiskooda.
Labadan masuul oo markii ay gacanta iskula tageen ay kala qabteen xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Balli-gubadle ayaa waxa loo taxaabay saldhiga degmadaasi, iyada oo shalayna la hor keenay maxkamada degmo/ gobo lee Balligubadle, taas oo dhagaysatay waxyaabaha ay isku hayaan labada isla markaana amartay in maalinta bari ah dib loogu soo celiyo maxkamada. Sida ay xalay qortay Hadhwanaagnews.com oo aanu warkan ka soo xiganay gacan ka hadalka labadan masuul ayaa yimid ka dib markii ay isku maan dhaafeen qaabka loo maamulayo dhulka danta guud ee ku yaala deegaanka Qalax. Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Balli-gubadle oo goob joog ka ahaa markii maxkamada la keenay labada masuul ee ugu sareeya golaha deegaanka degmada Balli-gubadle ayaa dareeno kala duwan ka bixiyey gacan ka hadalka dhex maray labadan masuul, waxaanay xildhibaanadu sheegeen inay ku guda jiraan sidii ay u dhamayn lahaayeen xurgufta dhex martay masuuliyiintan. “Markii aanu maqalnay gacan ka hadalkooda gacanta ayaanu ku qabanay wax dhib ahina ma jirto, xalkeedana waanu ku jirnaa waanan dhamaynaa waanan masuuliyiintayadii” ayuu yidhi xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Balligubadle. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maxkamada gobol/Degmo ee Balligubadle ay ogolaatay in damiin lagu sii daayo labadan masuul, ka dib markii ay xildhibaanadu codsadeen in laga aqbalo damaanad lagu soo daayo masuuliyiintaasi, waxaanay xildhibaanadu sheegeen inay diyaar u yihiin inay xurgufta dhex taala labadan masuul ku dhameeyaan dibada.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Hubaalmedia