Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa amar adag ka soo saaray dablayda geysatay dilka Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil ALLE ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud(Casayr)oo maanta koox dablay ahi ay jid gooyo ugu galeen duleedka Tuulada Biyoolay oo koon fur bari ka xigta magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xfiiska war qabadka ee Xogsoormedia.com,ayuu Madaxweynuhu qaranka Somaliland qoys ehelo,qaraabo iyo Ciidanka Booliska Somaliland-ba ka Tacsiyeeyay geerida Marxuum Gaashaanle Casayn isla markaana amar ku bixiyay in sida ugu deg degga badan gacanta loogu soo dhigo sharcigana la hor keeno dambiilayaashii falkaa geystay.
Madaxweyne Siilaanyo
Warsaxaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay oo dhamays tiran ayaa u dhignaa sidan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.
Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland