Hargeysa(Xogsoormedia.com) Goobtu Waa Dooxa Wayn Ee Dhex Mara Magaalada Hargeysa Waxaa Isugu Yimi Geed Ku Yaalada Dooxa Dhinaciisa Qaar Kamid Ah Ayda Iyo Riyaha Ku Nool Magaalada Hargeysa Oo Koox Koox Ah Ayda Iyo Riyaha Geedka Wada Fadhiistay Runtii Waa Wax Aan Hore Loo Arkin Oo Mucjiso Cusub Ah.
Ka Sokow Wada Hadhsiga Ayda Iyo Riyaha Midoobay Waxaa Ay Kawada Hadleen Kagana Gar Dhigteen Kulan Kooda Dhibaatooyinka Badan Ee Waqti Xaadirkan Ka Haysata Xayawaanka Mayeedhaanka Ah Ee Gaar Ahaan Kaga Timaada Ilmo Nabi Aadan.
Mid Wal Oo Kamid Ahi Riyahan Iyo Aydan Geedka Soo Wada Fadhiistay Waxaa Ka Muuqata Haraad Iyo Gaajo Iyo Diif Waliba Waxaa Suurto Gal Ah Dhibaato Intaa Kabadani Inay U Dheer Tahay Oo Ay U Gaystaan Bulshada Ay La Nool Yihiin.
Maxaa Laga Fahmi Karaa Xiligan Danta Geedka Isugu Keentay Ayda Iyo Riyaha Ee Ay Garnaqsanayan?. Danbcan Muuqaladan Aad Aragtaan Waa Qaar Tafsiir Badan U Baahnay Marka Waaqica Lagu Jir Aad Si Dhab Ah U Fiirsato Iyo Xaalada Ay Ku Suganyihiin Mayeedhaanka Uu Ilaahay Swt Inagu Dhex Nooleeyay.
Aydan Iyo Riyaha Mayeedhanka Ah Ee Geedka Soo Wada Fadhiistay Sida Ka Muuqata Taswiirta Koox Kastaaba Waxaa Ay Sheeganaysaa Gafaf Iyo Godobo Banii’aadamku Ka Galleen Oo Aanay Cidiba Iswaydiinin Dunuubta Lagu Hayo Habeen Iyo Maalin Walba Waxaa Ay Sheegen Kaga Garnaqsadeen Madashaa Arimo Badan Oo Aydu Waxaa Qaar Kamid Ah Ay Ka Warameen Dhibta Silica Iyo Rafaadka Haysta Waxay Sheegen Habeen Iyo Maalinba Inaysan Waxba Cunin Oo Gaajo Ay Dhamaadeen Wax Biyo Ahna Aanay Cabin Oo Haraadna Ay La Go’een Waxaana Intasoo Dhan Uga Sii Daran Takoorid Ba’an Oo Ka Haysta Dhanka Bulshada Ay La Nool Yihiin Oo Aan Ayda Arkiba Karin Una Haysanin Inay Xiitaa Yihiin Wax Noole Ah Oo Naf Leh Waxaaba Kasii Daran Mujtamaca Ay La Nool Yihiin Aydani Ayaa Waxay Shegeen Inay Dilitaankooda Xalaashadeen Waagii Guduuta Iyo Gabalkii Dhacana La Eryanayo Oo La Dilaayo Loo Diiday Inay Hadhsadaan Oo Ay Seexdaan.
Aydu Waxaa Kaloo Bulshada Ay Deriska Layihiin Kaga Garnaqsadeen In Dabar Goyn Lagu Hayo, Xiitaa Aan La’aaman Galinayn Lagana Mamnuucay Inay Isku Galmoodan Oo Ay Tarmaan Sida Xayawaanka Khayrkood Ah Hadii Arintaa Lagu Arkana La Dilaayo Iyadoo Aanay Waxna Iska Cabin Karin Oo Haday Damcaan Inay Wax Cunaan Oo Ay Ka Dagaalamaan Dulmiga Lagu Hayo Wadankaba In Laga Rarayo Oo La Xasuuqayo, Natiijaduna Waxay Noqotay Inay Oohin Maciinsadeen Saqda Dhexee Habeenkii Habaarka Ku Daraan.
Geesta Kalena Riyahii Iyaguna Geedka Ay Wada Fadhiyeen Ayda Ayaa Iyagunka Kadib Qiiro Iyo Naxdin Ay Kaqaadeen Murugta Iyo Silica Haysta Ee Aydu Ka Warameen Ayaa Dhankoodii Waxaa Ay Sheegen In Dulmi Ba’an Iyo Dhibaato Ay U Gaysteen Bulshada Ay La Noolyiniin Waxaay Sheegeen Bee’adii Ilaahay Ku Abuuray Iyo Degaankii Miyiga Ee Noloshiisa Rabi Ugu Tala Galay In Laga Soo Barakiciyay Oo Magaalo Aanay Fahmaynba Nolosheeda Lagu Soo Dhex Tuuray Iyadoo Laga Dayayo Manaaficaad Waxay Sheegeen Inay Quutal Daruuriga Ka Dhex Raadsadaan Xaafadaha Dhexdooda, Qol Qolada Iyo Suuqa Magaalada Markay Wax Ay Cunaan Wayana Inay Naftu Ugaysay Inay Xaafadaha U Dhacaan Si Ay Uga Helaan In Uun Waxay Dhuunta Mariyaan.
Waxaaba Taana Kasii Daran Ayay Yidhaaheen Adhigii In Sumcadii Iyo Karaamadii Xooluhu Lahaa Meel Lagaga Dhaco Oo Ay Bulshadu Waliba Nagu Sheegto Tuugo Xaafadaha Xada Habeen Iyo Maalina Waa Nala Garaacaa Iyadoo Xabisna Nalaku Xidho Iyo Jeel Cidhiidhi Ah Oo Neeftu Ay Nagu Dhegto Waa Xero Riyaadka Habeenkii Lagu Xareeyo, Dhibaato Kale Oo Culusna Waxaa Nagu Haya Gaadiidka Ama Baabuurta Lagu Kaxaysto Wadooyinka Magaalada Kuwaasoo Maalin Kasta Na Jiidha Waxaa Kale Oo Intaa Sii Dheer Bahal Balwad Ah Oo Ay Riyahii Magaaladu Barteen Habeen Iyo Maalina Garaabo Ayaa Loo Fadhiyaa Oo La Ruugayaa.
Qodobadaas Uu Mid Walbaaba Gaar Uga Hadlay Dhibka Ka Haysata Bulshada Ay La Noolyihiin Mayeedhaankani Ayda Iyo Riyaha Geedka Iskugu Yimi Ayaa Jawigii Kulankooda Uu Ka Muuqday Ama Laga Dareemi Karayaa Murugo, Iyo Naxdin Guud Ahaantood Ka Muuqata Gaba Gebadiina Waxay Dhamaantood Sheegeen In Bulshada Ay La Deriska Yihiin Qaybaheeda Kala Gedisan Culimo Iyo Caamo Dawlad Iyo Shacbi In Ay Uga Fadhiyaan Inay Kasoo Garbaxaan Oo Xuquuqdooda Meel Lasaaro Dulmiga Iyo Darayada Ka Haysta Goor Iyo Ayaan Mujtamaca Awgeedna Loo Cadeeyo Sababya Waxaasoo Dhan Loogu Quudhayo Madaama Ay Bulshadu Tahay Umad Muslimin Ah Oo Diin Leh Kalana Garanaysa Xaqa Iyo Baadilka.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com
Wariye: Mawliid Maxamad Siciid