“Xisbiga UCID Noqon Maayo Mid Loo Sadqeeyo KULMIYE Si Uu U Soo Boxo Mar Kale.” Musharax Jamaal Cali Xuseen.

0
371

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,ayaa ka hadlay Xaaladda Dalku marayo,abaaraha,doorashooyinka soo socda iyo xaaladda Xisbiga UCID.

Xisbigu laba doorasho ooh ore oo uu soo galay oo uu tartamay ayuu guul daraystay oo uu dhacay maanta waa jaaniskii ugu dambeeyay waxaana la eegayaa sida uu uga gudbo waxaana la doonayaa in Xisbigu soo boxo oo uu guulaysto,dad badan ayaa xisbiga ku soo maskax iyo awood badan galiyay dad badan ayaa hantidoodii u huray in Xisbigu soo boxo oo maal badan galiyay oo maanta u hanwayn oo doonaya in uu soo boxo oo dalka is bedel ka dhoco, mar kasta meel shaqo ka socoto waa la isku dhcayaa oo waa la is qabsnayaa laakiin muhiimaddu waxay tahay in danta Xisbiga laga wada midaysnaado oo laga wada shaqeeyo oo dhan wax loo wada wado,aniga iyo Faysal wax dhibaato ah oo naga dhex taagani ma jirto laakiin waxaa jirtay in marar badan warbaahinta la iskaga ja jjawaabay taasina imika way soo dhamaatay.maanta waxaa la gaadhay sidii aanu u midayn lahayn dadka ee aanu xisbiga soo bixidiisa uga shaqayn lahayn hawlo badan ayaa noo yaalla.”ayuu yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay hawlaha xisbiga u yaalla.

Ucid-Jamaal-Ali-Husein-2016012

Jamaal Cali Xuseen oo ka jawaabayay su,aal laga waydiiyay Musharaxnimadiisa oo uu hadal galiyay Guddoomiye Faysla Cli Waraabe,ayaa ku jawaabay. “Horta haddii uu Musharaxnimadayda hadal galiyo taasi waxay ka dhigan tahay anigoo anna Guddoomiyenimadiisa hadal galiya oo idhaahda Guddoomiye Faysal maaha,Xisbiguna sharci ayuu leeyahay oo uu guddoomiye ku yahay,meeshana xoog laguma haysto oo digteetar ship maaha waa Xisbi Dimuquraadi ah.markaa aniguna waxaan hoggaaminayaa musharixiinta isna wuxuu hoggaaminayaa xisbiga oo sidaas ayaanu heshiis ku galay,sidaas ayuu xeerka Xisbigu ku dhigan yahay anigana gole hexe ayaa la igu ansixiyay ee qof iimuu keenin.suuqana iskamaanu helin oo meeshu maaha muqaaxi Xisbi weeyaan. Xisbiguna waa Xisbi Qaran oo Jamaal iyo Faysal-ba ka wayn oo umad ayaa leh oo waa xisbi qaran oo la wada leeyahay,markaa waxaa waajib ah in laga wada shaqeeyo danta Xisbiga oo meel looga soo wada jeedo.”

Jamaal oo la waydiiyay Muranka isaga iyo Faysal ee soo noq noqdaa haddii uu dhamaan waayo waxay yelayaan ayaa ku jawaabay. “Horta wakhtiba noomuu hadhin oo doorashooyin ayaa la gelayaa markaa haddii ay taasi soo noq noqoto waxay taasi keenaysaa in Xisbigu talo isugu yimaaddo oo la is xisaabiyo oo Guddoomiyaha iyo aniga iyo dhamaan Xisbiguba isu yimaado oo la is waydiiyo yaa xisbiga soo saaray ee wax u taray ee soo saaray iyo yaa xisbiga dhibaato ku ah oo dhabarka ka jabinaya.Xisbiga UCID-na noqon maayo Xisbi loo sadqeeyo KULMIYE si uu u sii jiro oo uu u soo boxo, Xukuumadda iyo KULMIYE faro galin badan ayay nagu hayaan oo gacanta ayay nagula jirtaa laakiin waxaan u sheegayaa in aanu Xisbiga UCID noqonayn Xisbi loo sadqeeyo KULMIYE si uu mar kale u soo boxo oo uu u sii jiro.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here