Baydhaba(Xogsoormedia.com) Laba qarax oo xooggan ayaa ka dhacay Bartamaha xarunta gobolka Baay ee Baydhabo gelinkii danbe ee Axadda saacaddu markey ahayd 17:00.
Qaraxa kowaad ayaa loo isticmaaley gaari lagu soo raray Bom, kaas oo lagu qarxiyey goob ku taala bartamaha Baydhabo oo ku dhaw xarunta Dahabshiil ee Baydhabo.
Qaraxa labaad ayaa la rumeysan yahay in uu fuliyey qof bom isku soo xirey kaas oo isku qarxiyey Makhaayad la yiraahdo Beder, maqaaxadan ayaa la sheegaa in ay fariisan jireen madaxda Koonfur Galbeed iyo dadka Qurbe joogta loo yaqaan.
Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay maqaaxida Beder, sida uu sheegayo Weriye Siraaji oo ku sugan Baydhabo waxaana ilaa hadda la og yahay dad ka badan 20 qof ay ku geeriyoodeen weerarka Maqaaxida.
Dadaka ku dhaawacmey ayaa la sheegayaa in ay ka badan yihiin 50 qof. Weriyaha Radio Muqdisho ee Baydhabo ayaa sheegaya in uu yahay weerarkii is-miidaamin ah ee ka dhacay Baydhabo kii ugu xumaa muddooyinkan.
Weerarkan ayaa yimid kadib kii Muqdisho ka dhacay maalintii Jimacada ee la soo dhaafey, kaas oo al-Shabaab u isticmaaleen bom culeyskiisa lagu sheegay 200kg.
Magaalada Baydhabo waxay xarun tahay maamulka ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com