Madaxweynaha Puntland Oo Mar Kale Ku Celiyay Sida Ay Uga Soo Hor Jeedaan Ndaamka 4.5,ka Ee Soomaaliya Wax Ku Doorato

0
464

Garoowe(Xogsoormedia.com):-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan dalka Mareykanka,ayaa mar kale ku celiyay sida ay Puntlnd uga soo hor jeedo nidaamka 4.5ka ah ee ay Soomaaliya wax ku doorato isla markaana la doonayo in imikana lagu soo dhiso golayaasha Dawladda ee Bedelaya Dawadda hadda ka jirta Soomaaliya ee Caalamku aqoonsan yahay laakiin aan dalka ka wada talin.

Waxaanu diidmadiisa sabab uga dhigay in loo baahan yahay in Soomaaliya ka korto nidaamnka afar dhibic shan oo ay hore uga guurto taasoo uu tilmaamay in ay tahay mid Soomaaliya oo dhan dani ugu jirto.

2016228635922406228321078Madaxweynaha_Puntland_Gaas_Wareysi_VOA_660

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in Puntland dan gaar ahi ugu jirto.

C/weli Gaas oo u Warramayay VOA-da, ayaa la weydiiyay su’aal ahayd waxa kallifay inuu kasoo horjeesto in habka 4.5-ka ah wax lagu soo doorto sannadkan, wuxuuna ku jawaabay.

“Sababuhu waa fara badan yihiin… Tan hore waa Soomaalidu inay hore ugu heshiisay in aan nidaamka 4.5-ka ah wax lagu qaybsan waxaana heshiiskan lagu gaadhay shirkii ay isugu isugu timid bishii, bishii December ee Sannadkii 2011-kii ee Garoowe I, kaasoo micnihiisu ahaa inaan doorashadii sannadkii 2012-kii, Wixii ka dambeeya aan wax lagu soo xuli karin nidaamka 4.5.”

Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata

“Waxyaabaha aanu ka Fikirayno markaan leennahay Deegaan wax ha lagu Qaybsado waxa weeye, xildhibaanka ka imaanaya degmada Luuq inuu ka fikiro iskuulka Luuq, shacabkuna ay noqdaan kuwo la xisaabtama xildibaanka oo ay yiraahdaan Afar sano ayaad xildhibaan nooga ahayd baarlamaanka ee maxaad keentay, Tan la doonayana waa in la helo Metelaad shacab oo dhab ah, tan aan ka hadlayana waa taas,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Gaas.

Mar la waydiiyay sababta uu u diidan yahay 4.5 in ay tahay tiro iyo in ay arin kale tahay ayuu ku jawaabay

.

“Arrintaas marar badan ayaa la i weydiiyay… xitaa Ajaanibta noo imaanayay Arrintan way i weydiiyeen… waxayna igu yidhaahdeen waxaad ka hadlayso ma tiraa mise waa Aaminaad, waxaana u sheegay in waxa aan ka hadlayno ay tahay aaminaad ee aysan sad-bursi ahayn,”

Su’aal kale oo la weydiiyay C/weli Gaas ayaa ahayd, mar la eego nidaamka wax qaybsiga, waxaa la leeyahay sidee ku doonaysaa Puntland inay Somalia ugu soo gudbiso nidaam aysan iyaduba aysan qaadan, wxuuuna kaga jawaabay.

“Maya… taas waxba kama jiraan, baarlamaanka Puntland wuxuu ku dhisan Hab Deegaan, waxaana lagu soo xulaa hab deegaan, haddaan tusaale u soo qaato; Gobolka Mudug wuxuu leehayay 10-xildhibaan, Gobolka Nugaal wuxuu leeyahay sagaal xildhibaan, Gobolka Sool wuxuu leeyahay 17-xildhibaan, Gobolka Bari wuxuu leeyahay 21-xildhibaan, Qaababkaas ayaana lagu soo doortaan. Dabcan deegaannada qabiillo ayaa deggen, balse habka Puntland ay wax kusoo xulato waa qaab deegaan, sidaas ayayna xildhibaannadeedu ku yimaadaan.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here