Madaxweynaha Somaliland Oo Bulshadda Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Shilgaadhi Ee Ay Ku Dhinteen 14 Ruux

0
399

In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayaa Shilka naxdinta leh ee maanta ka dhacay inta u dhaxay Gabiley iyo Kalabaydh, shilkaas oo sababay 14 Dhimasho ah, iyo 9 qof oo dhawac ah ka dib markii ay isku dhaceen laba Baabuur oo midna land cruiser yahay midna NOAH, kuwaas oo siday dad shicib ah.

Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyadaynayaa isagoo ka tiiraanyeysan Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaanu Alle uga baryay inta dhaawaca ah inuu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay. Waxaanu amray in la xoojiyo baadhista sida shilku u dhacay, lana badiyo Gurmadka adeega caafimaad ee shilkaas.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here