Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) Waxaa maanta hashiis rasmiya laga gaadhay shaqaaqadii laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaratya deegaanka Dhaabeed.
Waxaana kulankii hishiiskani labada beelood ee walaalaha ah lagu qabtay fagaaraha hore ee beerta xoriyada magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Waxaana halkaasi warbaahinta ugu akhriyay qodobadii lagu hishiiyay gudoomiyaha gudida, nabadeynta shaqaaqadaas labada beelood u dhaxeysay.
Waxaana hishiiskani siweyn u soo dhaweeyay waxgaradka iyo cuqaasha beelahan walaalaha ah ee ay dirirtu dhexmartay. iyagoo si weyna ugu mahad celiyey wasiirka arimaha gudaha Somaliland cali maxamed warancade oo qayb weyn ka qaatay soo afajarida khilaafkaasi
Halkan Hoose Kaga Bogo Warkaas Oo Faahfaahsan
Wariye: Cabdiraxmaan Maxamad Xidig