Wasiirka Cusub Ee Warfaafinta Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Baahin Doonaan Wararka Iyo Barnaamijyada Xisbiyada Mucaaridka Ah

0
326

Hargeysa(Xogsoormedia.com) wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)  ayaa maanta si rasmiya xilkii ugala wareegay wasiirkii hore wasaaradaasi mudane Cabdilaahi Maxamad Daahir (Cukuse)

Waxaanu sheegay wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalintu waxaa uu sheegay in ay baahin doonaan wararka iyo barnaamijyada xisbiyada mucaaridka ah.

Waxaanu wasiirku hadalkan ka sheegay xafladii uu maanta xilka wasaaradaasi kula wareegayay, oo lagu qabtay xarunta guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta.

Xafladan oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galay badi madaxda qaranka iyo shaqaale weynaha kala duwan ee wasaarada warfaafinta .

Wasiirka oo warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saraxdiid waxaa uu ugu horeyn ka hadlay in ay baahin doonaan wararka iyo barnaamijyada xisbiyada mucaaridka ah waxaanu yidhi  “Xisbiyada mucaaradka ah saxaafada wasaarada warfaafinta ee dawladu way u adeegaysaa waanay u shaqaynaysaa waxii maanta ka danbeeya, waayo waxaan nahay dal dimuqraadiya hadaynu Dimuqraadi nahayna, haday iyagu soo dieran waayaan Wararka Aniguna ku qasbi maayo balse haday waxooda soo dirtaan waa balan waan sii daynaynaa,”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uuu intaas raaciyay . “Waxaan leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ahoow Saxaafada Halkan Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda wax baad ku leedihiin, sidoo loogu tallo galay ayaan u wadaynaa inkastoo ay haysato shuruucda iyo nidaamka hadana idinku waxba kama aadan duwanadiin, soona dirsada Wararkiina, Saxaafadda Warfaafintuna waa qayb idinka mid ah waanan soo daynaynaa anagu Insha ALLAAH.”

Isku soo wada duuduubo warkan uu maanta sheegay wasiirka cusub ee wasaarad warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ayaa ah waa cusub oo u baryay xisbiyada mucaaridka ee Somaliland

.Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here