Laascaanood(Xogsoormedia.com) Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, xadhiga kaga jaray laba mashruuc oo isku jiray
dhismayaal iyo wadooyin ay shirkadu ka hirgalisay magaalada gudaheeda
waxaana xafladan xadhiga looga jarayay wadadan iyo dhismayaashan kala duwan ka soo qayb galay masuuliyin iyo martisharaf aad u tiro badan.xughaya dawlada hoose laascaanood, xildhibaanada golaha deegaanka ee Laascaanood,iyo masuuliyiinta iyo maamulka shirkada Telesom.
Xafladan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay goobihii laga hirgaliyay mashaariicdan kala duwan.
Ugu horayn waxaa xafladaasi ka hadlay xoghayaha fulinta dawladda Hoose
ee degmadda Laascaanood Cabdi Khayre Dirir waxaanu shirkadda Telesom
uga mahadnaqay dhismaha waddada Telesom ee laga dhisay magaaladda
Laascaanood.
Waxaa isaguna xafladda ka hadlay xildhibaan Maxamed Axmed Faarax oo ka , mid ah xildhibaanadda degmadda Laascaanood waxaanu shirkadda Telesom
uga mahadnaqay dhismaha waddadan ay ka hirgalisay magaaladda.Laascaanood. Xildhibaanka ayaa dhanka kale ugu baaqay bulshadda reer, Laascaanood inay ka shaqeeyaan nadaafadda magaaladda.
Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka waramay kaalinta shirkadda Telesom kaga jirto, dhismaha horumarka dalka. Md. Darbo ayaa sheegay in shirkadda Telesom
ay sanadkan dhamaaday ay gobolka Sool ka hirgalisay mashaariic qadarka, lacagtoodu gaadhaayo $82,000, wuxuu sidoo kale balan-qaaday shirkadda,Telesom ay markasta u heelan tahay inay bulshadadeeda wax kala qabato
baahiyaha danta guud ah. Md. Darbo ayaa intaasi ku daray in shirkadda,Telesom ay wadda leeyihiin dad badan oo Saamilay ah oo qaar ka badan oo ka mid ahi ay ka soo jeeda gobolkan Laascaanood iyo buuhoodle,saamilaydu waa tiirka ugu muhiimsan ee ay shirkaddu ka Telesom ku
taagan tahay.
Maamulaha Xarunta Telesom Laascaanood Md. Cabdirisaaq Axmed Warsame
(Dhabayaco) oo isna soo afmeeray xafladda xadhiga lagaga jaray wadda
Telesom loogu magac daray ee magaaladda Laascaanood. Maamulaha ayaa
sheegay inay ka maamul ahaa aad ugu faraxsan yihiin inay bulshadda
deegaanka dib ugu celiso faa’iidadii shirkaddu ka heshay wax ka mid
ah. Md. Dhabayaco ayaa xusay in isla maanta codsi ay u soo gudbiyeen
maamulka dawladda Hoose ay isla markiiba ka jawaabeen isla maantana
bilaabeen inay wax kala qaybtaan dawladda Hoose ee Laascaanood.
Xadhig Jaridii Dhismaha Dugsiga Muuse Yuusuf
Shirkadda Telesom ayaa ugu horay waxay saaka xadhiga ka jartay dhisme
qol ah oo ay shirkadda ku kordhisay dugsiga Muuse Yuusuf oo ka mid ah
dugsiyadda sare ee ugu ardayda badan magaaladda Laascaanood.
Munaasibadii xadhiga laga jaraayey dhismaha lagu kordhiyey dugsiga
sare ee Muuse Yuusuf waxaa ka hadlay maamule Cabdilaahi Axmed Faarax
(Aflahaa) waxaanu shirkadda Telesom uga mahadnaqay dhismahan ay ku
kordhisay dugsigan sare oo uu uu sheegay in muhiimad weyn u leeyahay.
Maamulaha ayaa sheegay in dugsigan ay dhigtaan arday tiradoodu ka
badan tahay 1,000 arday kuwaasi oo intooda badan ay isticmaalaan
adeegyadda shirkadda Telesom.
Munaasibadan waxaa iyaguna ka hadlay Maamulaha Telesom Laascaanood
Cabdirisaaq Axmed Warsame iyo Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee
shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo waxaanay si qoto dheer uga
warameen kaalinta ay shirkadda Telesom kaga jiro ka qayb-galka arimaha
bulshadda. Masuuliyiinta ayaa sheegay in shirkaddu sanadkan ay
magaalada Laascaanood ka fulisay mashaariic badan oo arimaha
horumarinta bulshadda ah.
Wariye : Saynab Cabdi Warsame
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com