Halkan Ka Daawo: Geel Ay Naftu Ugeysay Inuu Quuto Geedka Tiinka.

0
330

Hargeysa(Xogsoormedia.com): Waxaa  Sanadahan danbe wadanka ka dhacday abaar aad u daran taas oo dad iyo duunyaba saameyn gaara ku yeelatay.

Abaartan oo min galbeed ilaa bari taxan ayaa waxa aad arkeysaa in xoolihii abaartu ay saameynta weyn ku yeelatay into magaalada la soo galiyay ay dadku miciin bideen waxay siiyaan markii ay waayeen in ay geeyaan goobaaha uu tiinku ka baxo.

Abaartani sida aad uu qof waliba la socdo waxaa ay tahay ay tahay mid dhab ahaantii aan hore wadanka uga dhicin marka loo eego abaarihii hore ee wadanka ka dhici jiray.

Waxaanay arintani ku soo aadaysa ka dib markii la waayay xili roobaadkii gu;ga oo ay dadka iyo xoolaha intooda badani ay sugayeen.

Dadka xoola dhaqata ahina waxaa ay la tacaalayaan sidii ay xoolahooda wixii abaarta ka soo hadhay ay uga badbaadin lahaayeen, iyada oo wakhtigan xiligii roobka guga la heli jirey ay ka hadhsan tahay mudo dhan ilaa hal bil, oo hadii la waayo dad iyo xoolaba halis loogu jiro in meesha laga baxo

Waxaanay dadka xoola dhaqata ahi ay noo sheegeen in geedkan Tiinku uu isugu jiro laba nooc, nooc qodax leh iyo noocaan qodax laheyn, inta badana tiinka kii aan qodaxda laheyni uu gabaabsi ku sii jiro.

Xoola dhaqata intooda badani waxaa ay imika bilaabeen in geedkan Tiinka ay siiyaan xoolaha oo ay u foofiyaan, xoolahan oo ah xoolaha ay  abaartu sida ba,an u saamaysay, waxayna Xoola dhaqatada marka ay siinayaan ku gubaan dab si looga baabi;iyo qodaxda teeda weyn iyo teeda yarba,

halka qaarkalana ay geeyaanuun oo uu dhaawac xoogan u geystay dacaydii xoolaha oo aad arkeysid inta badan iyada oo ay dacaydu wada laalaado, xoolahaasi.

Isku soo wada duuduubo abaartani wadanka ka dhacday ayaa ah abaarta inta badan aan hore u soo marin gayiga Somaliland waana abaartaa keentay in xoolihii ay tiinka manaafacaadsadaan.

By: Khadar M. Xaashi

Halkan Hoose Kaga Bogo Warbixintaas Oo Dhameystiran 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here