Bujumbuura(Xogsoormedia.com) Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-Moon ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee caasimada Burundi, halkaasoo siweyn loogu dhaweeyay .
Waxaana siweyn u soo dhaweeyay xughaya Madaxweyne ku xigeenka wadankaas iyo masuuliyinkale oo ka tirsan xukuumada burundi
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa wadanka burundi u tagay sidii loo xalinlaha qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira.
Qalalaasaha ka jiray Burundi ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore markii Madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo taagayo xilka madaxtinimada waxaa rabshado ka dhacayay dalkaas ku dhintay boqolaal ruux.
Ban Ki-Moon ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza, isagoo kala hadli doona sidii qalaalasaha dalkaas ka taagan loo soo afjari lahaa.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com