Nairobi (Xogsoormedia.com):-Waaxda Socdaalka duulimaadyada ee dalka Kenya ayaa ku xanibtay madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Caasimadda dalka Kenya Wefti uu hoggaaminayay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo u sii jeeday dalka Turkiga
Wefdiga, RW Sharma’arke ,ayaa lagu eedeeyay in aanay u hoggaansamin shuruucda duulimaadyada diyaaradaha ee u dhaxysa Soomaaliya iyo Kenya oo dhigaya in diyaaradaha ka soo duula dhanka Soomaaliya intaanay tegin caasimadda dalka Kenya ee Nairobi in ay soo maraan magaalada Wajeer oo halkaa lagu so baadho ammaan ahaan.
.
“Diyaaradda wafdiga Xukuumadda Somalia ma aysan soo marin Wajeer, halkaas oo ay soo maraan diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya oo dhan, si baaritaanno dhanka Ammaanka ah loogu sameeyo. Runtii tani waa tallaabo lagu jabiyay Amniga dalka Kenya,” ayuu ku daray hadalkiisa sarkaalkan amni ee la hadlay Warbaahinta dalka Kenya.
Waxaanu intaa ku daray sarkaalku isagoo hadalkiisa sii wata “Waxaan qorsheynay inaan Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Somalia dib ugu celino Muqdisho, Laakiinse Diyaaraddii keentay ayaa si dhaqso ah uga duushay Garoonka, taasoo keentay in muddo saacado ah ay garoonka ku xayirnaayeen.
RW Somalia oo ay la socdeen 20-xubnood oo ay ku jireen xildhibaano Somalia iyo saddex wasiir ayaa saaka ka dhoofay Magaalada Nairobi, iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga oo ay ku socdeen, kaddib markii Maalin ay Garoonka Nairobi ee Jomo Kenyatta ku xayirnaayeen.
Dawladda Soomaaliya aan ka hadal tallaabada Dawladda Kenya ku xayirtay Weftiga uu hoggaminayo Raysal-wsaare Sharma’arkeoo maalin iyo habeen ku dhex go’doonsanaa Madaarka Nairobi.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland