Gaarisa(Xogsoormedia.com)Warbixintan oo qeyb ka ah taxanaha BBCda ee todobaadkan aannu sida gaarka ah diiradda ugu saaraynay xanuunka dhimirka, ayaa weriyahayga Bashkas Jugsodhacay waxa uu booqday reerkaasi warbixintan murugada leh ayuuna ka soo diray.
Qoys Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Gaarisa oo dhammaan ay carruurtooda la nool yihiin xanuunka dhimirka, oo misana aanay jirin cid u shaqeyso amaba taageero u fudisa.
Qoyskani badi waxaa ay u badan yihiin sabool mana jiraan, wax ay haystaan xaaladooda nololeedna waa mid aad u xanuun badan,qoyskani waxaa ay degan yihiin xaafada Buula-cadaad, qoyskani waxaa ay ka kooban yihiin shan caruura oo agoona iyo hooyadood, gabi ahaanbana caruurtani ay yihiin qaar la nool xanuunka dhimirka.
Xabiiba dhaqane waa hooyada dhashay shantan caruura ee dhimirka wax ka qaba ayaa ka warbixisay wakhtigii ugu horeeyay ee caruurteeda uu haleelo xanuunkan dhimirku waxaanay tidhi iyada oo arintaas ka hadlaysa “sida ay u joogaan uunba lagaga soo boodayay madaxa oo ay u walanaayeen, mid isagu buulkan imika ku jira xanuunku xoog ayuu u haya, gabadh kalana geedkan ayay ku xidhan tahay oo waad arki kartaa, markaa caruurtu gabi ahaanba waa ay iga wada xanuusanayaan waxaanay la nool yihiin xanuunka dhimirka”
Hooyo xaliimo waxaa ay sheegtay inaanay jirin cid u shaqeysa amase ka taageerta baahiyahooda aasaasiga ah waxanay tidhi “ha xanuusadaane ma jirto wax cida oo u weel haysaa, amase og nolosha adag ee aanu ku noolahay aniga iyo caruurtaydu, caruurtayduna waa shan mana jirto xataa qof kadinka nooga soo galaya oo ka warhaya xaaladayada nololeed, cuntada wax dadka aanu jaarka nahay na siiyaan mooyaane ma jiro wax cida oo maanta og baahidayada, kiiloo bariis ahina ma dhexyaalo gurigayaga, mana jiro xataa hadii aan isku dayi laaha inaan nolosha maareeyo wax cida oo igarab taagan amase wax ila qabanaysaa”
Hooyo Xaliimo sidoo kale waxaa ay xustay inaanay jirin haba yaraata hase badnaate wax daawo ah oo ay u hayso shantaa caruura ee Illaahay xuskoodii ka qaaday waxaanay tidhi iyada oo arintaas ka hadlaysa “wax daawo ah uma hayo Illaahay xabad kiniinana haka dhige, xanuunkana waa mid ay caruurtaydu ku soo wada dhalatay”
Shantan caruura ee ay hooyadani dhashay waxaa ugu darani waa wiil iyo gabadh, walaw gabadhu hawsii daraate waxana gabadh lugta kaga xidhan silsilad.
Cabdi Aadan oo ah kalkaaliye caafimaad oo ka hawl gala cisbitaalka gaarisa oo isagu inta badan daweeya dadkan dhimirka wax ka qaba ee qoyskan ayaa isaguna ka warbixiyay xaalada qoyskan waxaanu yidhi “dhab ahaantii waa xaalad xanuun badan cid shalay, wax ay ka soo qaateen oo ay cuneen mooyaane maanta sideed saac markii aanu u tagnayna, wax ay cuneen iyo wax ay cabeen toona ma jirto dhaqaale la,aan darteed”
Qoyskani waxaa uu u baahan yahay gargaar iyo caawimo Ilaahay gargaarka haye si loogu helo baadhitaan caafimaad oo dhameystiran
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Bbc Somali.com