Hargeysa(Xogsoormedia.com) Dabley hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa shalay duhurnimadii weerar ku qaaday goobta diiwaangelinta ee magaalada Sabo-wanaag oo ay isku hayaan xuduuda gobalka Maroodi-jeex iyo xuduuda gobalka Awdal, waxaanay burburiyeen agabkii yaalay oo ay qaateen.
Guddoomiyaha degmada Lughaya Cabdillaahi Cali Sheekh Nuur, oo u waramay xalay wargeyska Geeska Afrikaayaa sheegay in dablaydu khalkhal gelinta diiwaangelinta goobtaas u adeegsadeen rasaas, “ 12:30 duhurnimo ee shalay ayaa shaqaalihii Komishanka ee goobta ka hawlgalaayey ayaa waxa soo weeraray shan baabuur oo ahaa afar Laangaruusar iyo Xaajiyad, iyagoo adeegsanaya rasaas, waxbana may weydiin shaqaalihii goobta ku sugnaa.” ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Lughaya.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland