Hargeysa(Xogsoormedia.com)Xildhibaan Cabdilqaadir Jaaamac Xaamuud oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay gurmad u fidiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Xildhibaan Cabdilqaadir waxaa uu hadalkan ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay xarunta baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdilqaadir isaga oo ugu horeyn arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Abaartani waa abaar dad iyo duunyaba saameeyay, abaartana kolay Illaahaybaa jabin kara waanatii uu Madaxweynaha Somaliland uu gudi u saaray, ee uu dadaalka galay sidii dadka gurmad loogu sameyn lahaa,”
Xildhibaanku waxa uu dadweynaha ugu baaqay sidii dadkan abaaruhu saameynta ba,an ay ku yeesheen gurmad dagdaga loogu fidinlahaa waxaanu yidhi isagaa oo arrimahaas ka hadlaya “Gudida u madaxweynaha Somaliland u saaray ka soo tala bixinta abaaraha shalay ayay shirkoodi ugu horeeyey ay yeesheen, abaartu bari iyo galbeedba waa ay saamaysay laakiin waa in si isku mida meel looga soo wada jeesto sidii dadkaasi ay abaartu saamaysay wax loogu qaban –lahaa oo ay ganacsata iyo xukuumaduba xildheerada ay iska saaran sidii si cadaaladi ay ku jirto dadkaas loogu gurman lahaa”
Xildhibaan Cabdilqaadir sidoo kale waxaa uu ka hadlay dhaq dhaqaaqyada colaadeed ee ka soo cusboonaaday qaarka mida goboladaa bariga Somaliland waxaanu yidhi isaga oo arrintaas ka hadalaya “dadka wax dareenkooda iyaga ka yimaada mihiima wax samada lagaga keenana uma wanaagsana, waanan ka soo horjeeda wax dadka samada lagaga keenaa, arinka maanta dabarka wadanka ku ahina waxaa weeyi baananka, markaa hadii baananka tirade badan maanta la furi lahaa, oo tartan meesha imanlahaa, markaa hadii maanta lacagta doolarka ah ee dalka Itoobiya jaadka loogu diro halkan baan looga furilaahaa waxbaa qaboobilahaa markaa wixii dhankayaga anaga aanu waxka qaban karo waanu ka qabanaynaa”
Hadaba sidaaso ay tahay abaarahan wadanka ka jiraa waa qaar daba dheeradaay oo dhamaan wadanka miyi iyo magaalaba saameeyay, una baahan gurmad dheeraada dadkuna in ay isa saamaxaan oo ay Ilaahooda u noqdaan
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland