Hargeysa (Xogsoormedia.com)-Guddoomiye cirro iyo wefti ballaadhan oo uu horkacayey ayaa shalay subixii ku waa barista magaalada Qulujeeda ee gobolka Awdal,taas oo ah degmada uu ka soo jeedo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin,isla mar ahaantaana uu ku dhashay,waxaanay weftiga guddoomiye Cirro markii ay gaadheen halkaasi kala kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan oo baaxadle.
Weftiga guddoomiye Cirro ayaa ka quraacday degmada Qulujeed ee gobolka Awdal,balse ay halkaas ka kulmayna soo dhaweyn aan nooceeda hore loo arag,taas oo dadka soo dhawaynta ka qayb-qaadanayey ay siteen,sawirrada guddoomiye Cirro iyo astaamaha u gaarka ah Xisbiga WADDANI oo ahaa iyagu kuwo ka muuqday magaalada qulujeed.
Dhanka kale Guddoomiye Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa ka abmabaxay magaalada Qulujeed iyagoo halkaas ka sii abaqaaday socdaakii sama-wade lugtiisii labaada waxaana waftigu soo dhaweyno kala go’lahayn ay kala kulmeen dhammaanba deeganada ay socdaalka smada-wade shalay ku soo mareen,sida Xariirad, C/qaadir , Boon, Baki,Caadho.
Geesta Kalena socdaalkii sama-wade ayaa xalay caweyskii saladhigtay magaalada Saylaca,halkaas oo ay waftig guddoomiye Cirro kala kulmeen soo dhaweyn mugle,iyadoo lagu qaabilay ciyaar Saylicida ay caanka ku yihiin dadka ku dhaqan magaalada Saylac,intaa ka dibna waxa loo gelbiyey weftiga goobtii loo diyaariyey inay u hoydaan.
Si kastaba ha-ahaatee Guddoomiye Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa tan iyo xalay degaanada ay socdaaka sama-wade, ku marayeen kala kulmayey soo dhaweyno diiran oo taxnayd Awdal ilaa Salel
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com