Muddo Ka Yar 10 Sanadood Waxa Ilaahay Ku Arsaaqay 15 Ubad Ah Oo Is Wada Le’eg + Inta Jeer Iyo Inta Ilmo Ee Ay Hooyadani Umushay
Teysa (Xogsoormedia.com)- Axmed Daahir Sheekh Qaasim Muuse oo ah aabbo dhalay 15 Caruur ah oo Ilaahay SWT ugu deeqay kuna yimid hab mataano ah oo ugub ku ah hannaanka dhalmo ee Geyiga Somaliland ayaa wargeyska FOORE uga warramay xaaladda Ubadkiisa, xirfadda uu ku shaqaysto iyo sida Ilaahay SWT ugu hibeeyey 15 Caruur ah oo uu ku dhalay wax ka yar 10 sanadood. Kadib markii baraha xidhiidhka Bulshada lagu baahiyey sawirro laga soo qaaday Qoyska Axmed Daahir oo la sawiran xaaskiisa iyo 15 caruur ah oo hareero jooga oo da’ ahaan aad isugu dhaw waxa uu wargeyska FOORE isku dayay in uu xog dheeraad ah ka helo qoyskaasi ubadka mataanaha ahi hoygooda cammireen.
Aabo Axmed Daahir Sheekh Qaasim Muuse oo deggan Deegaanka Taysa ee Gobolka Gabilay waxa uu Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in 15-ka Ubad ah ee Ilaahay ku galladay laba kali ahi ku dhasheen si kali kali ah balse 13-ka kale ay ku dhasheen iyaga oo mataano saddex saddex iyo laba laba isugu xidhan isaga oo qoyskiisa la dhisay sannadkii 2005.
Axmed Daahir Sheekh Qaasim Muuse oo khadka taleefanka ugu warramay Tifaftiraha wargeyska FOORE Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase) ayaa waxa uu sheegay in ay ubadkiisu ku dhasheen hannaan mataano ah oo aad u layaab badan iyada oo ay saddex jeer min saddex ubad ahi u kala dhasheen halka ay laba jeerna min laba ubad ah oo mataano ahi u dhasheen iyo laba jeer oo min hal ah sidaana wadartoodu ku noqonayso 15 ubad ah.
Tifaftiraha Wargeyska FOORE oo aabaha qoyskan wax ka waydiiyey xirfaddiisa iyo heerkiisa nololeed waxa uu ku jawaabay: “Wallaahi Alxamdulillaah, aadbaan isaga wanaagsanahay. Ubadkaygu waxa ay kala dhasheen saddex jeer oo min saddex ubad ahi mataano ku dhasheen (9), laba jeer oo min laba mataano ah (4) iyo laba jeer oo min hal ah, sidaana ku noqonaya 15 ubad ah, caafimaadka xaaskaygu waa wanaagsan tahay. Shaqadaydu waxa weeyi oo aan ku xoogsadaa gaadhi yar oo tagsi ah oo aan ugu kala baxo Taysa oo aan daganahay, Arabsiyo iyo Gabiley” ayuu yidhi aabaha ubadkan mataanaha ah dhalay.
Axmed Daahir Sheekh Qaasim Muuse oo nooga warramay bal culayska ay leedahay ubad sidan isugu xiga oo mataano ah korintooda iyo daryeelkoodu waxa uu sheegay in uu Ilaahay talo saartay wax dhib ah oo sidaa u waynina aanay jirin balse hooyadu dareemayso culays aad u badan. Saddex ubad ah oo min saddex jeer kala dhashay waad garan kartaa culayska ay leedahay, korintooda iyo daryeelkoodu” ayuu yidhi Axmed Daahir oo kalsooni badani ka muuqataa. Qoysaska reer Somaliland ayaan inta badan looga baran hannaan dhalmo oo qaabkan mataanaha badana ah ku yimaad iyada oo ay dhacdo mataanaha laba labada ah balse aanay dhicin hooyo intaasi oo jeer mataano saddex saddex iyo laba laba u umushay. Mataanaha ugu Yari waxa ay jiraan dhawr Bilood halka ilmaha ugu weyni dhashay 2006.
Qoyska Axmed Daahir Sheekh Qaasim Muuse oo ah qoys danyar ah ayaa shacabka Somaliland waxa looga baahan yahay in ay taakulo qoyseed u fidiyaan una duceeyaan iyada oo aanu ka wargeys ahaan shacabka ugu baaqayno in ay dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada qoyskaasi ka taageeraan, ciddii u baahan in ay xidhiidh la samaysana aanu ku xidhi doono qoyskaasi gargaarkeena u baahan.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Foorenews.com