Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay Masuuliyadda Qarax maanta lagu dilay Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii RW Nuur Cadde, imikana ka tirsanaa madaxda sare ee Urur Siyaasadeedka KULAN oo uu ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Urursiyaasadeedka KULAN.
Kooxda AlShabaab ayaa warbaahinta afkooda ku hadasha ku sheegay in ay qarax ku dileen Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahin oo ay ku sheegeen in uu ahaa cadaw daba dhilif u shaqeeya.
Idaacadda Andalus ee taagerta kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay war laga sii daayay in kooxdu ay lahayd masuuliyadda qaraxa uu ku geeriyooday Marxuum Muxiyadiin oo ay ku sheegeen wax ay ugu yeedheen Murtad.
“Allaha u raxmadee, Waxaa qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilay Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan, Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, C/qaadir Maxamed Cismaan [Barjaamij] oo la Hadlay Warbaahinta.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gamil.com
abafgaab@hotmail.com
HargeisaSomaliland