Xarunta Dhaqanka Ee Magaalada Hargeysa Oo Xalay Lagu Soo Bandhigay Muuqaal Ka Hadlaya Waxbarasho La’aanta Baahsan Ee Ka Jirta Miyiga(Sawiro)

0
412

Madasha lagu soo bandhigayay Muqaalkan oo ay ka soo qayb galeen dad kala duwan, ayaa furitaankii waxa hadal ka jeediyey Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ah maamulka xarunta dhaqanka kana tirsan bahda warbaahinta waxaana uu yidhi.

“Sida caadiga ah xarunta dhaqanka ee Hargeysa mawduucyada noocan ah iyo kuwa la midka ah waa madal u furan. Xalay oo u danbaysay (habeen hore) filim kale ayaa jiray oo waayo kale ka hadlayay. Mawduuca aynu caawa (xalay) ka hadlaynaana waa doorka aanu warbaahin ahaan ku leehay ka hadlidda waayaha bulshada.” Ayuu yidhi Barkhad Maxamuud oo sheegay inay Cabdishakuur Heersare muddo warbaahinta ka soo wada shaqaynayeen aqoon dheer na isu leeyihiin.

Waxa isna halkaa ka hadlay oo madasha lagu soo dhaweeyey Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin isagoo yidhi.

“Runtii waxa aan mahad ballaadhan u jeedinayaa xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo caawa (xalay) si xushmad leh iigu casuuntay in aan fagaaraha xarunta aan ku soo bandhigo filimkii aan u bixiyey “HALKII AAN KA IMI: Xusuusta iyo Xanuunka Waxbarasho La’aanta Miyiga” oo duubistiisa iyo habayntiisaba uu u hagar baxay Xamse Cali Xuseen (Xamse Jeesto).”

 

Wuxuuna Cabdishakuur Heersare isagoo hadalkiisa sii wada uu isdultaagay farriinta uu xanbaarsan yahay filimkani ama muuqaalkan uu soo bandhigay waxaana uu yidhi.

“Xaqiiqatan si mug leh ayaa looga falceliyey iyadoo nuxurku ahaa in fiiro mug leh loo yeesho baahida waxbarasho ee dadka miyiga haysata, iyo in warbaahintu hoos u eegto inay warbixinooyin ka samayso duruufaha dadka ku geedaaman inta siyaasadda lagu foogan yahay.” Ayuu yidhi Cabdishakuur.

Waxa kale oo uu sheegay inuu inta badan u kuurgalo xaaladaha ay dadku ku sugan yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay in filimkan samayntiisu uu qayb yahay in dadka miyi ga dhab ah loola wadaago xaaladda waxbarasho la’aanta ay ku jiraan.

Waxa kale oo uu Cabdishakuur Heersare uu  sheegay mar uu sanadkii 2012kii uu safar shaqo oo dhanka warbaahinta uu ku tegay magaalada Xariirad oo ka tirsan gobolka Awdal inuu kula kulmay dhacdo qalbigiisa xanuujisay waxana uu yidhi.

“Halkaa waxa aan u tegay in aan warbixin ka soo sameeyo dad inta ay abaaro ku dhufteen xoolihii ka baxeen oo mucsur istaagay. Markaa waxbaayaha iga nixiyey waxay ahayd xilligaa aan ku beegmay laba cisho ka dib ayaa iid loo diyaargaroobayay, kolkaas ayaan islaan hooyo ah waxa aan waydiiyey ‘Saaddambe waa la iidayaa ee maxaa idiin qorshaysan? Waxay iigu jawaabtay, ‘Waxa noo qorshaysan halka ay dadku ka farxayaan in aanu carruurtayada guryahayaga ku xidhno oo ku xaraynno.’ Waxa aan dareemay maalin la farsan yahay oo caalamka oo dhan laga faraxsan yahay ayaa hooyadaasi waxay ka werwersanayd si aanay farxadda dadka kale carruurteeda u saamayn inay xidho. Maalintaa wixii ka danbeeyey waxa aan goostay in aan safarro ku maro meelaha miyiga ah iyo magaalooyinka ba aniga oo u fiirsanaya xaaladaha arrimaha bulshada ee ka jira.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Muuqaalkan documentary ah ee Cabdishakuur Xaaji Muxumed ka sameeyey waxbarasho la’aanta miyiga oo dhawaan aad ka daawan doontaan Tv-yada iyo baraha bulshada, ayuu ku macneeyey mid xanbaarsan xusuustiisii xaaladda miyiga oo uu ku dhashay kuna barbaaray iyo xanuunka wabarasho la’aanta ee uu ka badbaaday ee hadda carruur badan oo miyiga ku nooli ay marxaladdii uu ka samatabaxay ay ku jiraan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in muuqaalka uu Cabdishakuur soo bandhigay xanbaarsanaa farriin dhab ah oo u baahan in lagu baraarugo, isagoo tilmaamay in nuxurku yahay in loo fiiro yeesho wax ka qabashada waxbarasho la’aanta miyiga ka jirta waxaana uu yidhi.

“Ayaan-darra jirtaa waxa weeye halkii uu Cabdishakuur ka yimi meelo la mid ah ayaynu ka wada nimi maxaynu ka og nahay noloshii caynkaa ahayd? Illaa madaxweyne Silaanyo reer miyi weeye, wasiirada qaar badan oo ka mid ahi reer miyi weeye, maxaynu ku celinnay noloshii dhabta ahayd ee miyiga ee ehelkeenii, qaraabadeennii, tolkeennii iyo cid kastaa ay ku nooshahay? Dawladdeenna iyo aqoonteenuba waxaa kuma jihaysna.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cartan oo dawladda iyo dadka ba u soo jeediyey in wax laga qabto oo xal loo helo xaaladda waxbarasho la’aanta ee miyiga ka jirta, isla markaana in la diyaariyo qaabab la jaanqaadi kara nolosha miyiga oo waxbarashaduna ku hirgeli karto, isagoo tusaale u soo qaatay in markii uu Ingiriisku waddaanka yimi uu u hawlgalay wax ka qabashada waxbarasho la’aanta miyiga uuna sameeyey seeroyaal aan la daaqin oo carruurta waxbarashada magaalada loo keeno geel loo liso loogu xarayn jirayn.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac oo isna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in filimkan uu Cabdishakuur sameeyey uu warbaahinta ku jihanayo in muhiimadda la saaro ka warbixinta duruufaha dadka ku xeeran ee u baahan in la sheego, lagana gudbo tebinta yooyootanka siyaasadda ee siyaasiyiin isu gudbinayaan.

Dad kala duwan oo madasha ku sugnaa ayaa Cabdishakuur Heersare ku hambalyeeyey hawsha baraarujinta ee uu isu xilsaaray, halka kuwo kalena halkaa ka soo jeediyeen weydiimo iyo faallooyin ku qotomay qaabka wax laga qaban karo xaaladda uu filimku ka hadlayay ee waxbarasho la’aanta miyiga.

Cabdishakuur Heersare ayaa u mahadceliyey dad samaynta muuqaalkan uu ka diyaariyay waxbarasho la’aanta miyiga uu sheegay inau gacan ka siiyeen , kuwaas oo ay ka mid yihiin; Sahra Maxamed Cali (Sahra Ladan), Xasan Cumar Xasan (Xasan Ogaal), Xasan Maal Dhidar, Cumar Cali Xasan (Serbiya) iyo Cabdiqani Muxumed Muuse.

 Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here