Baligubadle(Xogsoormedia.com) raxan waraabayaala ayaa weerarku soo qaaday dadka iyo duunyada ka cabaayay baraaha deegaanka Gumar oo hoos yimaada magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.
Abaarta baahsan ee sanadahan ugu danbeeyey ka dhacday gabi ahaan gayiga Somaliland ayaa ah abaar, kulmisay dadkii iyo dugaagi.
Sida la wada og yahay amase laga wada warqabo dadka iyo dugaagu waxaa ay ahaayeen laba kala fog oo aan ku kulmin goobaha ay dadku isugu yimaadaan siiba waraabaha oo isagu ka duwan xayawaanaadka kale marka loo eego dadka.
Abaartana waxaa ay tahay ta kulmisay waraabihi iyo dadkii oo ah laba kala fogaa, oo aan meela isugu iman jirin, laakiin tani waxaa ay ku tusaysaa baaxa ay abaarta sanadkan dhacday ay leedahay.
Dhulku waxa uu noqday omos oo xoolihi iyo dadkii dhaqanaayayba markii wax ay cunaan waayeen waa ay riiqmeen,meelkasta oo aad martana meel ay ishaadu qabanayso malaha, oo indhu waa ay ka danab kacayaan.
Abaar aad u daran oo aan idhaha laga qarsankarin ayaa ka dhacday gobolka Hawd iyo deegaanada hoos yimaada,waxaana goobaha ay dadku kacaabaan sitoosa oo aan la kala waabanayn ugu kulmay raxan waraabayaala oo ooman iyo dadkii baraagaha ka cabaayay inkasta oo ay wakhtigan biyuhu yar yihii.
Deegaankan ay waraabayaasha iyo dadku ay sida foolka foollka ah ugu kulmeen waa deegaanka, Gumar oo dhanka galbeed kaga began magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.
Abaarta sanadkan dhacday ayaa keentay in ay kulmaan dadkii iyo dugaagi, oo ay meel isugu yimaadaan, sida waraabaha oo aan inta badan lagu arag goobaha ay dadku isugu yimaadaan amase ay ka cabaan hase yeeshe imika naf ayaa keentay.
Waxaana loo baahan yahay in dadku Illaahay ay u noqdaan oo ay danbi dhaaf iyo maqfiro ay waydiistaan.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland