Jabuuti(Xogsoormedia.com) Orod-yahanka Mohomad Faarah oo dalka jabuuti ku yimid bookhasho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka uu yimid dal jabuuti iyo sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay.
Orodyahanka caanka ah ee Mohamad Farah ayaa booqasho ku tegey dalka Jabuti waxana uu la kulmay Madaxweynaha Jabuti Ismacil Cumar Geelle.
Mohamad Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jamhuuriyada Somaliland, hadana ah orod-yahan u orda dalka Britin, kuna guuleystey tartanka orodka 5000M iyo 10,000 Mitir ayaa ka mid ah orodyahano caalamka ka kala imanaya oo ku tartami doona tartanka caalamiga ah ee Nus Maaraton oo markii ugu horeysay lagu qabanayo dalka Jabuti.
Kulankan dhexmaray Madaxweyanaha Jabuuti iyo orod-yahanka Mohamad Farah, ayaa waxaa ay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada aqooneed ee dhanka orodka, ee orod-yahanada dalka Jabuuti.
Dalka Jabuti oo leh orodyahano ka qeybgala tartamada caalamiga ah ayaan weli ku guuleysan billado tan iyo sanadkii 1988dii xilligaa oo uu orodyahankooda Xuseen Axmed Salax uu ku guuleystay billad Maar ah tartankii Olombikada ee ka dhacay magaalada Seol ee dalka Kuuriyada Koofureed.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland