Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyoa oo ka soo kicitimay Magaalo xeebeedka Barbara ayaa si mug iyo miisleh maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimada dalkan Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaana wadooyinka halbowlaha u ah Magaalooyinka Hargeys ilaa Sheekh taagnaa wadada hareeraheeda dadweyne aad u tiro badan oo heegan u ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland, iyaga oo dadkani lulaayay caleemo qoyan faraawilo ,istiikaro lagu soo dhajiyay sawirka Madaxweynaha.
.Waxaana waftiga Madaxweynaha Somaliland markii uu ka soo baxay magaalada Barbara soo dhaweeyay oo kaga hadhay Taalada Cumar Ku Joog maamulka heer gobol ilaa heer degmo.
Waxaana intaas ka dib madaxweynaha iyaguna siweyn u soo galbiyay maamulka iyo masuuliyinta sarsare ee xisbiga iyo dadweyne aad u tiro badan oo iyaguna halkaasi ku sugaayay.
.Waxaanay madaxweynaha iyo waftigiisu soo dhaweyn aan kala go’ lahayn kala kulmeen kumaanan dad ah oo wadada hareeraheeda taagna.
Soo dhaweyn ka dibna waxaa madaxweynaha qasriga Madaxtooyada ku sugaayay, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland,gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex, maayirku xigeenka iyo masuuliyiinkale oo tiro badan.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland