Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Qabiil Baanu Wadaagnaa, Lakiin Dhiig Iyo Dhimashaba Waxaanu Wadaagnaa Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ” Suldaan Saleebaan

0
341

Halkan Kaga Bogo Oo Ka Akhriso Warbixintaas Oo Dhameystiran

Hargeysa(Xogsoormedia.com)-Suldaan Saleebaan ayaa sheegay inaanu gudoomiyhe Ciro u qalmin hogaaminta qaranka Somaliland.

Dhanka kale waxaa uu suldaanku jawaab ka bixiyay hadalo dhawaanka soo yeedhay qaar ka mida madax dhaqameedka wadanka Somaliland kuwaas oo ka hadlay muranka dhulka Tiyaatarka ka taagan oo u dhaxeeya Ganacsade Cumar Caydiid Axmed iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan

Sidaasna suldaanku waxaa uu ka sheegay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo uu siiyay Tv-ga madaxa banaan ee Bulsho Tv .

Suldaan Saleebaan waxaa uu ugu horeyn ka hadlay, taariikhda dahsoon ee gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADANI halka uu ku sugnaa markii sidii horashiima iyo nagasaakii wadanka Somaliland loo duqaynaayay waxaanu yidhi isaga oo suldaanku arintaas ka hadlaya “Cabdiraxmaan Ciro sow gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADANI maaha, sow ninkaan qolo ahaan isugu xigno maaha, 1988 maalintii Hargeysi gubanaysay ee Burco gubanaysay , ee Horashiima la moodayay ee madfaca lala dhacaayay, su’aal aan idin waydiiye Somaliland Ciro, halkuu joogay, miyaad taqaanan aan idiin sheege waxaa uu ahaa safiirkii Ruushka, loo diray ee dawlada Maxamad Siyaad Bare xiligaa magacowday, ayuu ahaa”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in markii wadanka la xasuuqayay uu gudoomiyaha xisbiga WADANI mudane Cabdiraxmaan ciro ahaa ninkii Somaliland ka doortay inuu noqdo safiir dawladii Siyaad Bare u fadhiya Ruushka waxaanu yidhi suldaanku isaga oo arintaas ka hadlaya “Hanta habaqleh xagey Somaliland markaa joogtay waxna haadka ayaa loo wadhay waxna diyaaradaha ayaa garaacayay oo madaafiicda ayaa lala dhacaayay, ninka maalintaa damiirkiisu siiyay inuu safiirka qaato Soomaaliya, ee magac ila wadaaga, ee walaalihii ilmaadeeradii iyo tolkii sidaa loo garaacay ayaa xisbigaa ka madaxa”

Dhanka kale suldaanku waxaa uu xusay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu ahaa ninkii maalinta isagu dhiigiisa iyo naftiisaba u haneeyay qaranka Somaliland  waxaanu yidhi “Muuse Biixi Cabdina waxaa uu ahaa taliyihii ciidanka SNM  ee soo galay maalinta, ee tiknikada lahaa gala dagaalka ee sidaa u dhex soconaayay, isaga iyo ninka xisbiga Kulmiye Madaxweynaha ka ahiba, raga tartamayaana waa labada, markaa laba midabka dayr cada tirada toban gu wada jiray, kolkay qoodh u dayid tahay, hidihiyo dirkiisa midna geel ku dari kara midna looga daaya, hala doog ku rimayaa, markaay dunqasho iyo doog u baahdeen, hada dawladnimada iyo danta guudna kaa mudan, kuma darajada gaya Somalilandney”

Waxaa uu sido kale xusay in hadii ay Cabdiraxmaan Ciro noqoto aanu u codaynayn laakiin uu u codaynaayo una ololaynaayo Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi isaga oo arintaas si faahfaahsan uga hadlaya “Qolo isagaanu wadaagna Ciro laakiin, dhiig iyo dhimasho, waxaanu wadaagnaa Muuse Bixi Cabdi, Somaliland-na isaga ayay wadaagaan, nimaan dhiigu ugu oolin walaahi inaanu xukunkeeda dhadhaminayne haku talo galo, ninka baloodhkayga maanta baadhbaadhayow taariikhdaada ayaa dib loogu noqone, Somaliland halka nin waliba kaga yaalo walaahi inay ka muuqan doonto,”

Ugu danbeyn suldaanku waxaa uu ka jawaabay sida uu arko hadal maalinkii shalay ahaa ka soo yeedhay boqor Cismaan Buurmadow waxaanu yidhi “Wax laba reer laysugu dilaayo oo dawladu iska horkeenayso, waa siyaasad xumada WADANI raga u han weyn qaranka inay hogaamiyaan, waar raga ku wareegaysanaya dawlada ayaa isku dhufanaysaa, Cumar Caydiid iyo Suldaan Saleebaan, waa baahaa baahada wadani, ee ay suuqa soo galise dadka ku abaabulayso, waxaanan leeyahay ciro inuu wadanka hogaamiyo uma qalmo, baloodhka laysiiyayna hayga filin inaan u bireyo cabdiraxmaan ciro”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here