Liido(Xogsoormedia.com) Labo Maqaayad oo dadku iskugu tegi jireen oo ku yaalla Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho.
Hadaba Sheeko Murugo leh ayey ka qortay BBC-da wixii dhacay.
Nasro Daahir Abuukar waxay ka mid aheyd dadkii ku sugnaa meesha weerarka xilliga uu dhacayey.
Waxay sheegtay inay wada fadhiyeen Maqaaxida wiil yar oo iyada la dhashay oo lagu magacaabo Eyman.
“Indhaheena waxey kusii jeedeen dhinaca Xeebta Liido inaguna Shaah ayaan cabeeneynay,Waxaan ku faraxsaneyn Jabaqda iyo Neecawda soo baxeysa ee dhinaca Badda ka imaaneysay,sidaa waxa tiri Nasro Abuukar”.
Nasro waxay sheegtay mar keliya inay ka war heleen Jawi badelan,Rasaas dhaceysa iyo Toogasho gudaha Baarkii aan fadhinay,waa la kala cararay,rasaasta oo socota.
Waxa jawigaasi uu keenay in labadii isla socotay xitaa ay kala lumaan,Walaalkeygii Yaraa Eyman waan waayey,Xaaladu waxay noqotay mid cakiran,sidaas ayey Nasro usheegtay BBC-da Qeybteeda Dibada la hadasha.
Waxaan galay Musqusha mise dad badan ayaaba ku jira,Meesha Lagu qubeysto Ee Tubada Shabaqa kore leh ee biyaha kasoo daataan ayaa la hoos istaagay,qaarkeen dadku waxay aqrinayeen qur’aan kuwo kalena waxay tukadeen iyagoo musqusha ku jira si alle Cadawga meesha yimid uga bad baadiyo.
Wax yar kadib oo xaaladu sidii ka fiicnaatay waxa inoo suurta gashay inan banaanka imaado waxase la ii soo sheegay Eyman inuu dhintay,wan naxay oo walaalkey inuu iga yaraa maahane waxa uu ahaa Yaraanka Hooyo.
Nasra waxay sheegtay inay markii dambe heshay war kale oo ah in walaalkeed uu dhaawacmay hase ahaatee dhimashadu ay been noqotay Xaalkiisuna hadda uu yara fiican yahay Eyman Yare.
W/Tarjumay: Xasan Cabdullaahi Cabdulle
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Xogdoonnews.com