AMISOM Iyo Cidanka Dawlada Oo Iskaashaya Ayaa Maanta Dib Ula Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Marka

0
312

Marka(Xogsoormedia.com) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalka oo iskaashanaya ay dib ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marka.marka cidan

Waxaana maalinkii shalay ahaa dib uga qabsaday xarakada Alshabaab, ciidankii marka hore haystay degmadan Marka ee kuwa dawlada iyo kuwa Amisom.marka cidan

Dagaal aad u qadhaadh ayaana Al-shabaab iyo Amisom ku dhexmaray, maanta niskii hore meel 2-KM u jirta Degmada Marka oo la yidhaaho, Buufow, taas oo u dhaxeysa Marka iyo Janaale.,marka cidan

Waxaanay wararka halkaas laga helaya ay sheegayan in ciidamada Alshabaab ay dib uga laabteen goobihii degmada Marka iyo Jilib hoos imanaayay ee ay hore ugu dhuumaalaysan jireen.marka cidan

Guud ahaanba waxaa joogsaday oo xidhan dhaq-dhaqaaqa magaalada Marka, waxaana wadooyinka lagu arkaya gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM, siada ay warbaahinta u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan magaalada Marka.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here