Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xadhig Jiritaankiisa Boolisku Beeniyay

0
342

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa Xukuumadda ku cambaareeyay xadhig jiritaankiisa uu beeniyay taliye ku-xigeenka Ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan.

Xadhiga WADDANI Xukuumadda ku cambaareeyay ayaa ahaa mid ay warbaahintu qortay oo sheegayay in Xukuumaddy ay xidhay xilkiina ka qaaday taliyihii saldhigga Booliska degmada Ibraahin Koodbuur ee Caasimadda Hargeya Dhamme Bedel Xasan Ismaaciil,taasoo lala xidhiidhiyay in ay ka dambaysay markii uu shalay booqasho ku tegay saldhigga taliyuhu xukumo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo booqanayay ganacsade Cumar Caydiid oo saldhigga ku xidhan.

6f37b1738e35a453d32e0d899ef74d02_M

Laakiin waxaa warka xadhiga iyo xil ka qaadista taliyaha ee la sheegayba waxba kama jiraan ku sheegay iyo been abuur Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan oo la hadlay warbaahinta.

“ Adeer warkaasi waa been wax ka jiraa ma jiran imikadaa aan kula hadlaayo waxa uu ku jiraa Shaqadisii warkaasina waa been” ayuu ku jawaabay taliye Fooxle oo wax laga waydiiyay xadhiga taliye Bedel

Warka xadhiga ayaa haddii uu beenoobo waxaa uu dhabar jab siyaasadeed iyo hubsiimo la,aan ku noqonayaa masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo u ekaanaya kuwo wax kasta oo aanay hubsan ka hadla isla markaana jawaabtoodu ku xidhan tahay inta ay wax maqlayaan oo kaliya laakiin aan hubsanayn warka suuqa ee ay maqlaan

Halka uu ceeb iyo sumcad xumo ku noqonayo taliye ku-xigeenka Booliska haddii warkaasi uu dhab noqdo oo uu dafirayay xaqiiqo jirta isla markaana Xukuumadda ay taasi u soo jiidayso in ay tahay mid kali talis ah oo ka xanaaqaysa in masuuliyiinta xisbiyada qaranku ay booqan karaan saldhigyada booliska una tegi karaan cid ku xidhan.

Labada ta ay noqotaba waxay saamayn siyaasadeed ku yeelanaysaa hadba cidda warkeedu beenoobo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here