Luton (Xogsoormedia.com) Maariya oo u dhalatay degaanka Luton ee dalka Ingiriiska, gaar ahaan England oo da’deedu 7 jir tahay, ayaa korka ka xifdiday soddonka jis ee Quraanka ah.
Markii ay 5 jir ahayd waxa ay xafiday suurada Yasin, kadib markii ay kaga qaybgashay tartan Quraan ah oo lacag sadaqo ah loogu ururinaayey qaxoontiga Suuriya. Muddo yar kadib waxa ay dhammaystay xirfida jiska ugu dambeeyey ee quraanka ah, iyadoo ka dhiganaysay malcaamadii degaankeeda ah.
Maariya hooyadeed waxa ay sheegtay in ay fahankeedu aad u sarreeya, si deg deg ahna wax u barato, lana doonayso in inanteedu ay noqoto mid diinta si fiican u xafida. Hooyada gabadhan yar waxa kale oo ay sheegtay in markii ay ogaatay in aan si fiican malcaamada wax loogu xafidin waxa ay ku dedaashay in ay inanteeda yar xafidsiiso quraanka.
Hafza Maariya hooyadeed waxa ay mareegta Ilmfeed u sheegtay in xifdiga Quraanku aanu fududayn, una baahan yahay samir aad u badan.
“Aad baan ugu faraxsanahay, cadiifadayduna u kacda in in aan Alle uga mahadceliyo inuu I siiyey samirka aan ku arkaayo arrinta, may ahayn mid fudud,” ayey tidhi hooyada gabadhan yar.
Waalidka gabadhan yar waxa ay u sameeyeen waqti ay ku xisaabtanto oo ay kala dhigato quraanka iyo dugsiga waxbarashada iyo waliba waqtiyada gaarka ah ee ay kala akhriyeyso duruustan kala duwan.
Waxa ay hooyada gabadhan yar dhashay sheegtay in ay inanteeda yar ku dhiirigelin jirtay in ay siinayso hadyad iyo bilad kasta oo ay doonto waqti kasta haddii a dhammayso qayb ka mid ah Quraanka, inta badana ay Maariya dooran jirtay hadyad aad u fudud oo ay ka mid yihiin macmacaan amma alaab ay ku ciyaari karto, buuggaagta farshaxanka lagu sameeyo amma cunto hudheelka looga keeno.
Dedaalka gabadhan yar waalidkeed u sameeyeen waxa ay laba sanno kadib u saamaxday in ay dhammaan soddonka jis ee quraanka ah korka ka qaybto.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Baligubadle Media.com