War Degdega: Hargeysa (Xogsoormedia.com) Kooxda Ka Falaagawday Xukuumadda Somaliland ee La Baxday Isbahaysiga Dimuqraadi Doonka Xisbiga Kulmiye ayaa Xarunta Dambi baadhista Hargeysa ee CID ka soo dacweeyay Tifaftiraha Shabakadda Baligubadlemedia Axmed Aadan Rooble
Masuuliyiinta dacwadan soo oogay ayaa kala ah Gudoomiyaha NDC Jamaal Caydiid Ibraahin, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Khaliilal Cabdilaahi Axmed Iyo Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyadda abshir
kooxdan oo ka tirsan isbahaysiga kulmiye islamarkaana xilal ka haya xukuumadda somaliland ayaa hore hanjabaado shakhsiyadeed u diray tifaftiraha Baligubadlemedia Axmed Aadan Rooble
waxaanay Talaabadani Muujinaysaa Awooda Muuqata ee Wali Isbahaysiga Kulmiye Ku Leeyihiin XUkuumadda uu hogaamiyo madaxwayne siilaanyo
waxaanay dacwadani ku aadantahay kadib markii shabakadda Baligubadlemedia Baahisay kulan ay isbahaysiga kulmiye oo iskugu jira xubnihii xukuumadda iskaga casilay iyo xubno xukuumadda xilal ka haya oo ay kamid yihiin masuuliyiinta aynu kor ku soo xusnay ku yeesheen hotel caydiid ee hargeysa kulankaas oo aan ilaa hadda xukuumadda somaliland wax hadal ah aanay ka soo saarin
si kastaba ha ahaatee xukuumadda madaxwayne siilaanyo ayaa wali ah xukuumad is huwana oo gudaheeda dagaal hoose ka dhex socdo waxaanay dacwadani banaanka u soo saartay awooda aan caadiga ahayn ee wali isbahaysiga kulmiye ku leeyihiin xukuumadda madaxwayne siilaanyo
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Baligubadle Media.com