Warqad Maamulka Xamar Maleegay Oo Qaranimada Dhiigbax Ku ah Ku Shaanbadeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Waran Cade Oo Ujawaabka Bixiyey Shakina Galiyey Diinta Xasan Sheekh Haysto

0
428

Shirkad Fadhigeedu Yahay Hargeysa Oo Aamusnaan Kaga Jawaabtey Xidhiidhka Ay La Leedahay Taliyaha Socdaalka Somaliya Oo Shirqoolay Masiirka Somaliland

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiirka arimaha gudaha somalilan Cali Maxamed Waran Cadde Oo Kamid ahaa Waftidii Madaxwaynaha Somaliland ku wahelinaysay socdaalkii uu ugu baxay gobolada bariga somaliland oo hada ku sugan magaalada burco ayaa jawaab ka bixiyay warqad codsi ah oo dawlada somalia sheegtay inuu usoo diray wasiir cali Waran Cadde Waxaana uu Sheegay Wasiirku Inaanay waxba ka jirin warkaasi warqaduna ay tahay mid Foojari ah isla markaana Sida uu wasiirku carabka ku dhuftay uu dabada ka riixayo madaxwaynaha somalia Xasan Sheekh Maxamuud Wasiir Cali waran cadde oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa kamid aha hadaladisii sida tan.Waraaqaha

“Runtii hadaladaasi waa mucjisooyinka had iyo jeer dawlada somalia aynu ka maqlayno, marka hore taliye gaafow waxa uu kamid ahaa saraakiishii aan xukumayay waa nin aan aqaano nin xuna maaha nin dhaqan wanaagsan ayuu ahaa, laakiin waxaan garanayaa meesha ay ka socdaan arintani waxaa dabada ka riixaya madaxwaynaha somalia Xasan Sheekh wax lala yaabana maaha oo Xasan Sheekh Waxaynu ku naqaanaa Been waxaynu ku naqaaanaa cadaalad darro waxaynu ku naqaanaa cadaalad,Ninkii shalay lahaa dawlada somaliland ayaa shirkii kismaayo kasoo qayb gashay Inuu maantana yidhaa cali waran cadde ayaa waraaqo isoo qoray wax la biciidsado maaha waa waxaynu ku naqaano, RUntii umada somaliyana waa umad aynu walaalo nahay waa dal aynu jaar nahay,waana umad aynu kala go’nay 25 Sanno ka hor,waxaana runtii Wax lala yaabo ah inay umadaa ay walaalaha nahay inay xukumaan dad noocaas oo kale ah”Sidaas ayuu yidhi cali waran cadde.Waraaqaha

Sidoo kalena waxa uu Wasiirka arimaha guduhu bulshada somaliya ugu baaqay inay xilka si dag dag ah uga qaadaan maadamaa ayuu yidhi uu madaxwaynihi islaamka ahaa uu u sujuuday sanamaan Waxaana Uu Yidhi.Waraaqaha

“Waxaynu arkay shalaytole isagoo jinaasasdii cidamada Kenya U sujuudaya dadkii uu madaxwaynaha u ahaana ee uu maamulayayna jinaasadooda ku qoslaya,horta intaanu odhanin cali ayaa waraaq isoo qorayna waxaan jecelay inaan su’aal waydiiyo Odayga labada Diimood ta iminka lagu tirinayo inuu umadiisa u sheego anagu waan garanaynaaye,waxaanan shacabka reer somalia ugu baaqaaya inay si dag dag ah xilka uga qaadaan aanayna u dul qaadan masuul aanay dooran oo xoog ku haysta Oo Dilka, Boobka Iyo balanbalka somaliya haystana u sababa”Sidaas ayuu Cali Waran Cadde yidhi.Waraaqaha

Dhanka kale Taliyaha laanta Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya Cabdilaahi Gaafow Maxamud ayaa Xaqiijiyay warqad codsi ah oo uu ka helay Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Warancadde , taasi oo nuxurkeedu ahaa in dal ku galka Somaliya (Somali Passport ) laga qaato gudaha Magaaladda Hargeysa .Waraaqaha

isla markaasna si gaar ah loo siiyo Shirkadda lagu Magacaabo Safari Travel Agency , oo ku taala Magaaladda Hargeysa ee caasimadda somaliland , warqadani waxay kusoo beegmaysaa maalin ka dib markii wasiir warancade ka cuudu bilaystay inuu hayso baasaaboorka somaliya.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho: Qorilugud News.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here