Hargeysa(Xogsoormedia.com)Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kala qayb galay kumanaan ka mida bulsho weynta reer Hargeysa oo maanta salaada roob-doonta ku oogaysay Miskiid Jaamaca weyn ee Magaalada Hargeysa.
Waxaa sidoo kale salaada roob doonta laga oogay maanta deegaanada ku teedsan magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda iyada oo ay dadku isugu soo baxeen fagaarayaasha su ay u oogaan salaada roob-doonata ah ee Illaahay lagu weydiisanaayo inuu danbigaugu naxariisto raxmaadkiisana ugu soo shubo.
Salaadan roob-doonta aheyd ee maanta magaalada Hargeysa iyo dalka intiisa kaleba laga oogay ayaa aheyd mid uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inay tukadaan dadku Allena ka baryaan inuu abaaraha ka soo jabiyo oo raxmaadkiisa u shubo.
Dhanka kale culimada waa weyn ee wadanka ayaa iyaguna ugu baaqay bulshada in ay yareeyaan macaasida oo ay badiyaan Allle ka cabsiga si ay u helaan naxariista Alle, isna saamaxaan.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Oo markii salaadii roob doonta laga soo dareeray la hadlay bulshadii salaadaasi oogaysay ayaa bulsahda kula dardaarmay inay Ilaahay dartii isu jecllaadaan oo ay isu calool xaadhnaadaan, Alaana ka baryaan inuu abaaraha ka jabiyo oo raxmaadkiisa u shubo waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya”Abaaro adag ayaa wakhtiga inagu habsaday,roobkii ayaa inaga raagay,maanta halkan waxa aynu iskugu nimid in aynu Illaahay gacmaha hoos dhigano si aynu uga baxno dhibaatadda ka taagan dalka Allana inoogu shubo roobka,duunyadii iyo dadkiiba way halaagsameen,waxaana ay dhexda u xidheen abaarahan adag,xoolihii gabaabsi ayay ku dhaw yihiin,markaas Illaahay haynaga soo furto”
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland